
Saraakiisha Degmada Baraawe oo sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday
Guddoomiye Jeex oo u waramay Idaacada Shabeelle, waxa uu sheegay ninkaan Ajnabiga ah ee ay gacanta ku hayaan inuu u sheegay dhalashadiisa inay tahay dalka Mareykanka, Shabaabna uu naftiisa kala soo baxsaday.
Inkastoo Guddoomiyaha Degmada Baraawe uusan sheegin magaca Sarkaalkaan, hadana Dhalashadiisa ayuu ku sheegay Mareykanka, wuxuuna intaasi warkiisa ku daray inay socoto Baaritaano ku aadan rasmi ahaan dalka uu u dhashay Sarkaalkaan.
Sababta ka dambeysay in uu ka soo goosto Shabaabka ayuu Guddoomiyaha Degmada Baraawe ku sheegay inay tahay, kadib markii ay isku qabteen fekerkii qaldanaa ee ay kolkii hore ku heshiiyeen sida Guddoomiyaha hadalka uu u dhigay.
Majirto ilo ka madaxbanaan Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo xaqiijinaya in Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo Ajnabi ah uu isku soo dhiibay maamulkaasi.
Shabaab ayaa waayihii dambe waxaa ka dhex-taagnaa xiisad la xiriirta in Saraakiil ka tirsan Ururka ay ku dhawaaqayeen taageero u muujinta Kooxda Daacish.


0 


Saraakiisha Degmada Baraawe oo sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday
Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Xuseen Maxamed Barre (Jeex) ayaa sheegay ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baraawe in uu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo Shabaab ka soo baxsaday.