Wiil Somali ah oo lagu tuhmay inuu xiriir la lahaa dadkii weerarka ka geystay California

0
Monday December 07, 2015 - 12:15:12 in Wararka by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Somali ah oo lagu tuhmay inuu xiriir la lahaa dadkii weerarka ka geystay California

    Wiil Somali ah oo dalka Mareykanka ku galay qaab Qaxootinimo ah ayaa lala xiriirinayaa in uu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerar ka geystay Gobolka California dalka Mareykanka, waxaana weerarkaasi lagu dilay 14 ruux 21 kalena waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Somali ah oo dalka Mareykanka ku galay qaab Qaxootinimo ah ayaa lala xiriirinayaa in uu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerar ka geystay Gobolka California dalka Mareykanka, waxaana weerarkaasi lagu dilay 14 ruux 21 kalena waa lagu dhaawacay. Warbixin lagu Daabacay Fox News, ayaa lagu sheegay in Wiilkaan Somaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan inuu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerarka ka geystay San Bernardino, ee Gobolka California.

Maxamed oo qoyskiisa 20-sano ka hor ay galeen dalka Mareykanka oo qaab qaxooti ah ku galeen, ayaa hada waxaa ku socoto baaritaan Qoyskiisa.

Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale la sheegay in uu sahlay Elton Simpson in uu ku biiro kooxaha FBI-da Dooneyso kaasi oo isku dayay inuu weeraro magaalada Garland oo ku taala gobolka Texas bishii May Afarteedii, kadib markii uu ogaaday in Qolyo wax sawira ay Nabi Maxamedd NNKH ay sawir gacmeed ay ku aflagaadenayeen ka sameeyeen inay halkaasi degganaayeen.

11 Bishii May warbixin ay baahisay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan uu ku dhiiri geliyay Mr Simpson inuu weeraro geysto isaga oo kala hadlay dhanka internet-ka.

Xasan, ayaa dalka Mareykanka kasoo tagay todobo sano ka hor uuna yimid Soomaaliya isaga oo Alshabaab ku biiray, kadibna wuxuu ku biiray Daacish wuxuuna heystaa Passport American ah kumana laaban karo dalka Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip