Wariye Karar Aadan Rukow oo Magaalada Garbahaareey lagu xiray

0
Monday December 07, 2015 - 12:05:58 in Wararka by
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Karar Aadan Rukow oo Magaalada Garbahaareey lagu xiray

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeenWariye Karar Aadan Rukow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeenWariye Karar Aadan Rukow. Wariyahan ayaa si madaxbanaan wuxuu uga howlgalaa Magaalada Garbahaareey, waxaana uu wararka siiyaa Idaacado ku yaallo Magaalada Muqdisho iyo deeganada Puntland.

Amarka Wariyaha lagu xiray ayaa waxaa bixiyay Maamulka Degmada Garbahaareey, kadib markii sida la sheegay Wariyaha lagu eedeeyay inuu faafiyay warar ku saabsan Saraakiil Dowladda ka tirsan oo lagu xiray Degmada Garbahaareey.

Wariye Karar ayaa xalay ku hooyday Saldhiga ciidanka Magaalada Garbahaareey oo ilaa hada uu ku xiran yahay, masuuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaareey kama aysan hadlin xariga Wariyaha loo geystay.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Garbahaareey oo dadaalo kala duwan sameeyay, ayaa ilaa hada aysan ku guuleysan inay soo daayaan Wariyaha xiran oo kiiskiisa lagu sheegay faafinta warar ku aadan Saraakiil Dowladeed oo lagu xiray Garbahaareey.

Wariyeyaasha ka shaqeeya Somaliya ayaa dhibanayaal u ah maamulada kala duwan ee Somaliya ka jira ee hubaysan kuwaasi oo tacadi toos ah Suxufiyiinta kula kaca.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip