
Matteo Renzi: "Ciidamada Talyaaniga waxay ka howlgalaan Soomaaliya, Afganistan, Iraq iyo Kosovo."
Matteo Renzi Ra'isul-wasaaraha Talyaaniga ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Corriera Della Sera ku sheegay in qorshaha Dowladaha Yurub ku doonayaan inay Faragelin Milliteri ku sameeyaan dalalka Syria iyo Libya ay ku soo xoogeysanayaan Kooxda Daacish.
Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisa ka qeyb geli
doonin Faragelinta Milliteri ee lagu samayanyo dalka Syria, wuxuuna
sheegay inaysan taasi ahayn qorshe shaqayn kara.

"Ciidamada Talyaaniga waxay ka howlgalaan dalalka Soomaaliya, Afganistan, Iraq iyo Kosovo” ayuu yiri Matteo Renzi Ra’isul wasaaraha Talyaaniga oo aan faah faahin ka bixin tiradda Ciiddankooda ku sugan Soomaaliya.
Dhanka kale Saraakiil Talyaani ah oo ka tirsan Taliska Tababarayaasha Milliteriga EU-da ayaa tababar siiya Ciiddanka Dowladda Federalka Soomaaliya.


0 



Matteo Renzi: "Ciidamada Talyaaniga waxay ka howlgalaan Soomaaliya, Afganistan, Iraq iyo Kosovo."
Matteo Renzi Ra'isul-wasaaraha Talyaaniga ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Corriera Della Sera ku sheegay in qorshaha Dowladaha Yurub ku doonayaan inay Faragelin Milliteri ku sameeyaan dalalka Syria iyo Libya ay ku soo xoogeysanayaan Kooxda Daac