
Ciidamada Cirka Kenya ioo duqayay fariisimo ay leeyihiin Al-Shabaab. Wararka ka imaanaya Gobolka Juba
da hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya maalinimadii shalay duqeeyeen 2-Xero oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaano ka mid ah Gobolkaasi. Wargeys ka soo baxa dalka Kenya oo lagu magacaabo The Star ayaa
sheegay inay Diyaaradaha dagaalka dalkaasi duqeeyeen Xerooyinka
Tababaradda iyo Loojistikadda ay Alahsabaab ku leeyihiin Tuulooyinka
Diif iyo Yara Lafagari.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqayntooda timid 12 saacadood kadib, markii ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka duqeeyeen,isla markaana burburiyeen Xerooyin kale oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin Duqeymahaasi loo gaystay, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi iyo weliba xaqiiqda warkaasi


0 


Ciidamada Cirka Kenya ioo duqayay fariisimo ay leeyihiin Al-Shabaab. Wararka ka imaanaya Gobolka Juba
da hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya maalinimadii shalay duqeeyeen 2-Xero oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin Deegaano ka mid ah Gobolkaasi.