
Kumanaan qaxooti ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga
Sida ay sheegeen ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga shalay tiradan ayaa ah tii ugu badneyd kadib warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu sheegay in bishii hore uu hoos u dhac weyn uu ku yimid tirada dadka qaxootiga ah ee ka soo gudbeysa xeebaha Libya cimilada oo xumaatay awgeed.
Kumanaankan ruux ee haatan soo gaartay xeebaha Talyaaniga ayaa waxaa ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dhiirigeliyay badda oo degtay.
Dadkan tahriibayaasha ah ayaa soo badbaadintooda waxaa ka qeybqaatay dhowr maraakiibta xeebaha dowlada Talyaaniga iyo markab dagaal oo laga leeyahay dalka Jarmalka kaasoo qeyb ka ah howlgal loogu magac daray ‘Sophia’ ama Safiya oo ahayd gabar yar oo Soomaali ah oo ku dhalatay doon ay saarneyd kadib markii hooyadeed ay fool ku dul qabatay markabkii soo badbaadinayay ee laga lahaa dalka Jarmalka.
Dhamaadkii bishii hore ee November ayaa hay’ada caalamiga ah ee soo galootia waxa ay ku qiyaastay dadka magangalyo doonka ah ee gaaray qaarada Yurub inay gaarayaan 860,000 sanadkan oo kaliya, halk 3,500 ay ku naf waayeen iyagoo doonaya inay ka gudbaan badda Mediterranean.


0 


Kumanaan qaxooti ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga
Inkabadan 4600 oo qaxooti ah oo ku safrayay dooman ayaa laga badbaadiyay xeebaha badda Mediterranean iyagoo ka soo shiraacday xeebaha dalka Libya.