
Fatahaado ka dhacay dalka Britain (SAWIRRO)
Ciidan fara-badan, ayaa la geeyay Waqooyiga England, kuwaa oo la arkaayo iyagoo soo samata bixinaaya dadkii, ay sida weyn u saameeyeen fatahaadahan cusub.
Hay’adda Saadaasha Hawada, ayaa soo saartay 50 digniino oo la xiriira dhibaatooyinka ka dhalan kara fatahaadahaasi, iyadoo dadkana lagu booriyay in ay feejignaadaan.
Waxaa hakad la geliyay adeeggii tareenada ee Scotland & England, sidoo kalana waxaa la xiray wadooyin fara-badan, oo laga mamnuucay kaxaynta gaadiidka.
Roobabka, ayaa Axadii u soo wareegay Koonfur Bari England, xilli roobab xoogani ay ka da’ayaan Waqooyi Galbeed England.
Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa laga cabsi qabaa in roobab hor lihi ay ka da’aan goobahaasi, kuwaa oo sare u qaadi kara fatahaadaha iminka ka jira dhulkaasi.


0 













Fatahaado ka dhacay dalka Britain (SAWIRRO)
Fatahaadahan, ayaa ka dhashay roobab xoogan oo ka da'ay Gobolada Waqooyiga England & Scotland Ee Wadanka UK iyo fatahaado uu sameeyay Webiga Teviot.