WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA DICEMBAR 2015-KA
Khudbaddiisa Shir Madaxeedka, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu kaga hadley muhimadda iskaashiga Afrika iyo Shiinaha , iyo sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.
R/WASAARAHA OO KA QEYB GALAY MARTI QAAD UU U SAMEEYAY SHEEKH MAXAMED "BAARDHEERE”
Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi Baardheere oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ku ah fidinta Diimta Islaamka ayaa maartiqaad soo dhaweyn ah u sameeyay Ra’iisulwa saaraha Dawladda Federaalka Soomaliya oo ay wehliyeen madaxweynaha maamulka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedada qado sharafta ayaa aheyd soo dhoweyn uu Shiikhu u samaynayey Ra’iisulwas aaraha Soomaaliya iyo weftigii uu hoggaaminayey iyo wafdigii ka socday maamulka Jubbaland. Shiikha iyo culimadiisii ayaa Ra’iisul wasaaraha Dawadda Federaalka, iyo Madaxda Maa mulka Jubbaland waxa ay ku ammaaneen gurmadkii nabadeed ee ay kaga qayb qaateen shaqaaq ooyinkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo
MAAMULKA G/BANAADIR OO SHALAY KULMAY MASUULIYIINTA 17KA DEGMO EE G.BANAADIR..
Shir aan Caadi aheyn ayaa Shalay Waxaa Iskugu Yimid Dhamaan 17ka Degmo ee gob olka Banaadir Maamulka Sare ere Gobolka iyo Laamaha Amniga Gobolka Sida nabad Sugida iyo Booliska G/banaadir.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa In Dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir ay ka Tashadaan Sidii Magaaladan ay Nabad u ahaan laheed Iyo Sidii Loo Celin lahaa Bilicdeeda Iyo kala dambentii ay Lahaan Jirtay.
Gudoomiyaha G/banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Kulanka Shir Gudoomiy ey ayaa Hoosta ka Xariiqay In Magalada Muqdhisho ay Leedahay Madaxda Dhalinyaro ah oo U tag an habeen iyo Maalin in ay Wax ka qabtaan kana shaqeeyaan Hormarkeeda.
Sidoo Kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Jen.Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa sheeg ay In Wixi Shalay ka dambeeya Ay la yeelan Doonaan wadasheqeyn Gaar Ah Maamulka G/banaa dir Sidas Si lamid ah ayaa isana waxaa sheegay Taliyaha Nabad sugida Goboolka Banaadir Col.cabdixakiin Farey .
Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Wacad Ku maray in aan Muqdsho Lagu arki karin Qashin Iyo Nadaafad kuna amray Laamaha Ama anka Gobolku in kala shaqeeyaan Sidii Magaalo Nadiif ah loo Heli lahaa
WASIIRKA MAALIYADA OO SHEEGAY IN QAADISTA CANSHUURTA LAGU SALEEYO SHARCIGA DALKA
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan " Fargeeti" ayaa sheegay in qaadista Canshuuraha lagu sameynayo Sharciga Dalka u yaallo isla markaana ay noqoneyso wax Sharci ah.Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la masuq maasuqo qaadista Canshuuraha oo aysan wanaagsaneyn in aan Shacabka Soomaaliyeed laga qancin halka loo wado iyo qaabka loogu qaadayo Canshuuraha.
Wasiirka Maaliyada ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaa in si sharci ah lagu qaado Canshuuraha si loo qanciyo Shacabka ayna u helaan Kalsooni ay ku dhiibaan.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan " Fargeete” ayaa Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada gaar ahaan qeybta qaadista Canshuuraha kula dardaamay iney si sax ah ku qaadaan Canshuuraha. Hadalkaan ayuu Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ka sheegay ka dib markii uu Magaalada Muqdisho ka furay Simi naar ku saabsan qaadista Canshuuraha, waxaana Siminaarkaasi loo furay Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada gaar ahaan qeybta Canshuuraha.
DANJIRE AFEEY: HADAAN SOMALIA LAGA HIRGELIN MAXKAMAD XASUUQA SACABKU MA JOOGSANAYO
Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa ka dhawaajiyay inuu dadaal u ge li doono sidii maxkamada caalamiga ah ee ICC ay xafiis uga furan lahayd Somalia, si loo helo la xis aabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala Somalia.
Afeey oo wareysi siinayay BBCda ayaa sheegay in haddii hore loo heli lahaa cid loo max kamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Somalia inaysan dhici laheyn in maalin wa lba shacabka la xasuuqo.
"Haddii la heli lahaa in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay si toos ah u farageliso Somalia, nin dagaal abaabula oo shacabkiisa u laaya sidan oo kale ma dhici lahayn. Sidoo kale haddaan sida madaxda kale ee Afrika ciqaabta loo mariyo aan loo arin kuwa Somalia ma joogsanayso in dadka la iska xasuuqo,” ayuu yiri Afeey.
Sidoo kale, danjire Afey ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haddii horay loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Somalia aanay sii socon laheyn dhib aatooyinka mararka qaar soo laabta
Danjire Afeey wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Somalia, isla markaana baaritaan joogto ah u sameyso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas maxkamad la soo taago.
Ergayga IGAD ee Soamila ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga bilaabo baarit aanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay, marka shacabka magaalada deggen ay heshiiyaan
Waxaa la weydiiyay danjire Afeey heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqangelin karo, wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qotodheer laga dhex sameeyo shacab ka, si aanay u soo noqon dhibaato kale.
"Markii aan tagnay Gaalkacyo waxaan kusoo aragnay ciidamo hubka tayo leh haysta, waxaa isweydiinay sababta ciidammo ka socda dalalka deriska iyo AMISOM u joogaan Somalia, iyadoo ciidammo iyo hubkaas inta la’eg haysato ay Somalia joogaan… aniga waxaa is leeyahay h ubka tayadaas leh waxay ku difaaci karaan dalkooda, Alshabaab iyo cadawgooda iyagaa ku filan,” ayuu yiri Afeey.
Ugu dambeyn, ergeyga IGAD ee arrimaha Somalia ayaa ka mid ahaa xubnihii ka socday Beesha Caalamka ee ka qaybqaatay dadaalladii nabadeed ee lagu dhexdhexaadinayay maam ullada Puntland iyo Galmudug.
WASIIR ODAWAA "XABAD JOOJINTII SI RASMI AH AYAY U DHAQAN GASHAY, CIIDAMADANA WAA LA KALA QAADAY”
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shalay ku dhawaaqay inay si rasmi u dhaqan gashay heshiiskii xabad joojinta, lana kala qaaday ciidamadii isku hor fadhiyay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Odawaa oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in xaalada magaalada Gaalkacyo ay aad u degan tahay, isla markaana dadkii ka barakacay magaalada ay shalay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan magaalada.
"Xaalada Magaalada aad bey u degan tahay, daraad ilaa doraad shaqooyin aad u waa weyn la qabtay, markii heshiiska la saxiixay xoogaa dhibaatooyin dhaceen, balse waxaa lagu guuleystay in wax walba la xaliyo, labada dhinacna ay heshiiska nabadeed adkeeyaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubbaland Axm ed Madoobe, isaga iyo
Wasiirka Cadaaladda ay kormeereen goobihii lagu dagaalamay, ayna xaaladooda aheyd mid degan, isagoo xusay in ilaa daraad laga shaqeynayay kala qaadista Ciidamada.
"Guddi Saraakiil oo isku dhaf ah ayaa la sameeyay, ilaa daraad waxaa laga shaqeynayay in la kala qaado ciidamada, waana lagu guuleystay, xabad joojintii waa dhaqan gashay, kala qaad istii ciidamadana waa dhaqan gashay, shalay ayaana la soo dhameeyay howshaas”ayuu yiri Wasi irka Arrimaha Gudaha Odawaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada la kala qaaday ay dib ugu laabteen xerooyink ooda, kuwii soo gurmadayna ay dib ugu laabteen magaalooyinkii ay ka yimaadeen.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay nabadgelyada ka shaqeeyaan, isla markaana dhacdooyin yar yar ay dhici karaan, balse loo baahan yahay in wax walba nabada ka wanaagsan tahay sida uu yiri.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay iyo madaxda Maamul goboleedyada ay muddo 10maalmood ku sugan yihiin Gaalkacyo, isla markaana ku guuleysteen in xal laga gaaro colaada Gaalkacyo.
TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA KISMAAYO OO XABSI GURI LAGA DHIGAY
Warar soo baxay ayaa sheegaya in Taliyaha ciidamada Booliska Degmada Kismaayo Gaboobe Xasan Barre laga dhigay xabsi guri, kadib markii Khamiistii ciidamo isaga ka amar qaata iyo ciidamo kale oo Jubbaland ka tirsan ay ku dagaalameen Magaalada Kismaayo, dagaalkaasi oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.
Gaboobe Xasan Barre ayaa lagu eedeynaa inuu si gardaro ah u weeraray ciidan ku sugnaa Boos ku yaallo Xaafada Dalxiiska ee Magaalada Kismaayo, Booskaasi oo uu muran ka taa gnaa, waxaana dagaal halkaasi ka dhacay ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Amar ka soo baxay madaxda Maamulka Jubbaland ayaa Gaboobe Xabsi guri looga dhi gay, iyadoo la sugaayo in Magaalada Gaalkacyo uu ka tago Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland Macalin Maxamed oo Axmed Madobe arintaan u xil saaray.
Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Kismaayo ayaa la soo warinayaa inuu ku xiran yahay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ilaa amar dambana halkaasi uu ku jiri doono.
Maamulka Jubbaland ayaa horay uga haayay dhowr kiis Taliye Gaboobe, hayeeshe arintaan ayaan la ogeyn inuu xilkiisa ku weyn doono iyo in kale.
Tallaabadan ay qaadeen Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Magaalada Kismaayo oo ku tilmaamay mid loo baahnaa, maadaama tani ay muujinayso cadaalada.
Xubnaha Maamulka Jubbaland weli si toos ah Saxaafadda ugama aysan waramin ari ntaan, hayeeshe Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay jiritaanka kiiskaan Taliyaha loo haysto.
GUDDOOMIYIHII MAGAALADA CADAN EE DALKA YEMEN OO LAGU DILAY QARAX
Guddoomiyihii magaalada Cadan ee Koofurta Yemen Jacfar Mohamed Saad iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu dilay qarax ka dhashay gantaal lagu tuuray gaari uu la socday.
Jacfar ayaa la sheegay inuu door weyn ka ciyaaray ka saaridii Kooxda Xuutiyiinta maga alada Cadan bishii July ee sanadkan.
Kooxda ISIS ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiy aha magaalada Cadan.
Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay qaar ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Cadan Jacfar Mohamed oo gaariga la saarnaa, xilliga gantaalka lala beegsanayay.
Kooxda ISIS ayaa bilihii la soo dhaafay ku xoogeysanayay dalka Yemen, iyagoo qaaday weeraro qaraxyo ay la beegsatay dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta.
Guddoomiyaha magaalada Cadan Jacfar Maxamed ayaa xiriir dhow la lahaa Madaxwe ynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi oo muddo bilooyin ah musaafuris kaga maqnaa Yemen, hase ahaatee dib ugu soo laabtay Cadan, markii laga saaray Jabhada Xuutiyiinta.
Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi ayaa bishii October ku dhawaaqay in magaalada Cadan ay tahay caasimada KMG ah ee Yemen.
BARACK OBAMA OO DIFAACAY GO’AANKA UU DALKIISU CIIDANKA GAARKA AH UGU DIRAYO DALKA CIRAAQ
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa si adag u difaacay go’aanka dowladd iisu ay ciidamada gaarka ah ugu dirayso dalka Ciraaq, isagoo sheegay in ciidamadaas ay la dagaall ami doonaan kooxda ISIS, balse aysan taasi macnaheedu ahayn in Mareykanka uu mar kale duul laan ku yahay Ciraaq.
Barack Obama ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu maalin ka hor siiyay TVga CBS ee xaruntiisu tahay Mareykanka, wuxuuna hadalkiisu imaanayaa maalmo un kaddib markii wasaara dda gaashaandhigga Mareykanka ay ku dhawaaqday inay Ciraaq u dirayaan ciidammo gaar ah oo ka caawiyaan xoogagga Peshmerga dagaalka ay kula jiraan kooxda dowladda Islaamig aah ee ISIS.
"Markii aan oranayay ma jiri doonaan ciidammo lugta ah oo aan Ciraaq u dirayno, waxa an u maleynayaa in shacabka Mareykanka oo dhan ay fahmeen in go’aanka dowladdooda uusan ahayn inay duullaan kale aan ku qaadayno Ciraaq, laakiinse ujeeddadu waa inaan cirka ka duqeyno kooxaha argagaxisada ah ee Suuriya iyo Ciraaq ku sugan,” ayuu yiri Barack Obama.
Isagoo intaas ku daray. "Laakiin, waxaan doonayno haddaan si cad u qeexo waa qorshe aan ku doonayno inaan ku burburin kooxda ISIS, waana middaas tan aan ku doonayno inaan cida mmo kooban ugu dirno Ciraaq.”
Sidoo kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Ashton Carter ayaa isagana horr aantii toddobaadkii hore warbixin uu siinayay Golaha Adeegga ciidamada ee Congresska Mare ykanka ku yiri. "Ciidamadan kooban waxay ka shaqeynayaan inay si xoog ah kusoo furtaan dadka afduubyada loo haysto, xog ururinta dhanka sirdoonka iyo inay soo qabtaan hoggaamiyaha kooxda ISIS.”
Inkastoo Carter uusan carrabaabin xilliga uu Mareykanku ciidamadaas gaarka ah dirayo, haddana Col. Steve Warren oo ka tirsan ciidanka millateriga Mareykanka ayaa u sheegay warbaahi nta in 100askari gaar ah loo diri doono Ciraaq, kuwaas oo la dagaalami doona kooxda Daacish.
Dhanka kale, tiro lagu qiyaasay 3,500 oo askari oo Mareykan ah ayaa xilligan ka how lgala lix goobood oo ku yaalla dalka Ciraaq, kuwaasoo ciidamada waddadnkaas gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan dowladda Islaamiga ah.
Bishii Oktoobar ee sannadkan ayay ciidammo gaarka ah ee Mareykanka waxay weerar ku qaadeen xabsi ay leedahay ISIL, iyagoo kasoo furtay 70qof oo lagu haystay, kuwaasoo ay ku jir een askar Ciraaqiyiin ah, iyadoo intii uu socday howlgalka la dilay askari ka tirsanaa ciidamadii Mareyknaka ee howlgalka fulinayay.
Ugu dambeyn, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in 50 askari oo Mareykan ah loo diro dalka Suuriya, si ay u caawiyaan xoogagga kasoo horjeeda dowladda Ba shar AlAssad, kuwaasoo ay ku jiraan ciidamada ururka PYD ee Kurdishka ah.
FATAHAADO KA DHACAY DALKA BRITAIN
Fatahaadahan, ayaa ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay Gobolada Waqooyiga Engl and & Scotland Ee Wadanka UK iyo fatahaado uu sameeyay Webiga Teviot.
Fatahaadaha, ayaa saamayn ku yeeshay boqolaal guri, waxaana loo gurmaday oo gacan loo fidiyay dhawr kun oo qof, ka dib fatahaadaha oo si weyn u saameeyay deegaanadoodii.
Ciidan farabadan, ayaa la geeyay Waqooyiga England, kuwaa oo la arkaayo iyagoo soo samata bixinaaya dadkii, ay sida weyn u sameeyeen fatahaadahan cusub.
Hay’adda Saadaasha Hawada, ayaa soo saartay 50 digniino oo la xiriira dhibaatooyinka ka dhalan kara fatahaadahaasi, iyadoo dadkana lagu booriyay in ay feejignaadaan.
Waxaa hakad la geliyay adeeggii tareenada ee Scotland & England, sidoo kalana waxaa la xiray wadooyin farabadan, oo laga mamnuucay kaxaynta gaadiidka.
Roobabka, ayaa Axadii u soo wareegay Koonfur Bari England, xilli roobab xoogani ay ka da’ayaan Waqooyi Galbeed England.
Maalinta Isniinta, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in roobab hor lihi ay ka da’aan goobah aasi, kuwaa oo sare u qaadi kara fatahaadaha iminka ka jira dhulkaasi.
MAXKAMAD KU TAALLO KENYA OO XUKUN DIL AH KU RIDAY NIN KU EEDEYSNAA INUU DILAY HAWEENAY
Maxkamad ku taallo Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday nin ku eedeysnaa in uu horay u dilay Haweenay uu gurigeeda ka shaqeynaayay.
Ninka xukunka dilka ah maxkamada ay ku riday ayaa lagu magacaabaa Juma Kadenge, waxaana ku cadaaday kiiska dilka ah ee uu u geystay haweenay Gurigeeda uu ka shaqeynaayay.
Haweeneyda uu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Halima Muhidin islamarkaana uu ka qaatay taleefoonkeedii gacanta oo uu qiimihiisu gaarayay 10,000 oo shilinka Kenya ah.
Juma ayaa horay u beeniyay in dilka Haweenaydaasi uu ku lug lahaa, hayeeshe daraad ayeey maxkamada soo bandhigtay cadeymo rasmi ah, kadibna go’aan ka gaartay kiiskaasi.Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Old Town ee magaalada Mombasa dalka Kenya, wuxuuna dhacay dilka 16ki bishii April ee sanadkii 2011kii.
Ninka dilka geystay ayaa haweenayda uu dilay waxa uu dilkeeda u adeegsaday Baangad oo uu ku dilay haweenayda uu u shaqeynaayay.
SHIINAHA OO SALDHIG UU KULA DAGAALAMAYO BURCADBADEEDA KA FURANAYA JABUUTI
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Max’ud Cali Yuusufayaa cadeeyay in kadib kulan ay yeesheen Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Jabuuti ay isku raaceen in Saldhig dhinac Ciidanka Badda ah ay ka furato Shiinaha dalka Jabuuti.
Dabayaaqada sanadka 2017 ayaa lagu wadaa in Shiiaha uu saldhigaasi dhinaca Ciida mada badda ka furto Jabuuti.
" maaha saldhigaan mid dano gaar ah uu ka leeyahay shiinuhu ee waxa uu kula dagaala myaa Burcadbadeeda oo qatar ku ah dhammaan ammaanka biyaha caalamiga ah” ayuu yiri Max’ud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha.
Shiinaha oo kala qeyb galaya Madaxda Africa shir ka dhacaya Magaalada Johnsburg ee dalka Koofur Africa ayaa ugu deeqay lacag 60 Billion oo dollar oo kor loogu qaadayo kobaca dhaqa alaha qaaradda Africa.
Si kastaba dowladda shinaha ayaa ka mid noqotay Howlgalka la dagaalanka Burcadbad eeda Soomaalida sanadkii 2008.
AL SHABAAB OO DILAY MUWAADIN U DHASHAY SUDAN
Mid ka mid ah 4 ruux oo u dhashay dalka Sudan laguna eedeeynayay in ay ka dambeey een dil Magaalada Khartoum loogu gaystay sarkaal ka tirsan hay’adda Gargaarka Mareykanka ee USAID ayaa dhawaan lagu dilay Somalia sida uu sheegay Wargeyska Sudan Tribune ee ka soo baxa dalka Sudan.
Qoyska Maxamed Makkawi Ibraahim oo lala xiriirinayo dilka john Granville oo ka tirsanaa hay’adda USAID kana dhacay dalka Sudansanadkii 2008 ayaa dhawaan taleefon aan la garan looga sheegay in wiilkooda uu ku dhintay isku dhac dhex maray Al Shabaab gudahooda oo ka dhacay Somalia.
Maxamed Makkawi oo Al Shabaab ku soo biiray sanadkii 2011 xilli uu ka soo baxsaday xabsi ku yaala dalka suudaan ayaa waxaa isaga iyo saaxiibadiis uu mareykanka dul dhigay 5 Million oo dollar oo abaal marin ah cidii soo sheegta xogtooda.
Mr Makkawi ayaa dhawaan ku geeriyooday Gobolka Jubada dhexe isagoo ka tirsanaa rag Al Shabaab ah oo u ololeynayey in ay ku biiraan Ururka Daacish.
AFRIKA: MAGAALOOYINKA QAARKOOD OO HAWEENKA INTA LA GUURSADO SANNADO LAGA MAQNAADO
Magaalooyin ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka jira dhaqamo ah in Raggu ay ka tagaan xaasaskooda marka ay guursadaan, iyagoo shaqooyin u raadsadaan dalka Talyaaniga, kama maqnaada tobannaan sanno.
Inta badan arrintan waxay ka dhacdaa magaalada Beguedo oo ku taalla Burkina Faso, balse haweenkeeda oo keliya arritan oo kale kuma dhacdo. Waxaase jira magaalooyin kale oo ka tirsan dalalka Afrika oo arrintan oo kale ay ka dhacdo, iyadoo raggu xaasakooda ka tagaan, iyagoo aada dalalka dariska ah ama kuwa Yurub si ay uga helaan shaqooyin mushaaraad wanaagsan leh.
Haddaba, su'aasha la isweydiinayo ayaa ah sidee bulsho u noolaan kartaa marka Ragga iyo xaasaskoodu ay ku kala nool yihiin waddamo kumannaan mayl isku jira?
Alimata Bara mar walba way qosleysaa, mar walba way kaftantaa. Balse Shalay waxay ku qoslaysaa nasiibxumadeeda, inay noqotay xaas aanay ninkeedu meel kula noolayn muddo toddoba sano ah, iyadoo 17jir ah ayaa waxaa guursatay nin Talyaani ah oo ka shaqeeya Talyaaniga.
"Waxaan ku kulannay suuqa, waxaana aan billownay sheeko," ayay tiri, iyadoo ku dartay intaas. "Kaddib wuxuu waalidkey u keenay nooc lows ah. Muddo 10casho gudahood ahna waan isguursannay."
Xiliyadii hore, waxay qaadan jirtay bilooyin si loo qabanqaabiyo guur ka dhaca inta badan deegaannada miyiga ah; iyadoo ninkii gabadha loo guurinayo uu ka shaqeyn jiray beerta waalidka gabadha, sidoo kalena kalsooni badan ka kasban jiray, wuxuuna u muujin jiray waalidka in gabadhooda uu dhaqan karo nin fiicanna u noqonayo.
Laakii hadda, bilooyinkii badnaa waxay isubeddeleen toddobaadyo, mararka qaarkoodna maalmo, marka ninka guurdoonka ahi uu tago deegaannadaas ay ka jirijireen dhaqankii aan kor kusoo xusnay.
Tan & markii ay guursatay, Alimata waxay saygeeda isla joogeen muddo ka yar lix bilood. Waxay haysataa gabar la yiraa Omayma oo hadda 6 jir ah; cnugga labaad ee lammaanahan ay isku dhaleen oo ah wiil dhiblow ah oo saddex sano jir ah laguna magacaabo Obaidou, isagoo aabbihii arkay hal mar keliya.
Sidoo kale, magaalada Beguedo oo 230KM Koonfurbari ka xigta xarunta dalka Burkina Faso ee Ougadougou, haween badan ayaa qaba xaalada Alimata oo kale. Nematou oo ku nool meel ku guriga dhaw Alimata, waxaa qaba Saada walaalkiis, kaasoo ka shaqeysa dibadda.
Nematou iyo Alimata waa isku da'a, waxayna labadoodu noqdeen kuwo isku dhaw, iyagoo wadaagaya dhibaatooyinka korinta carruurtooda, kaftanna ka sameynaya intii karaankooda ah.
Haweenka tuulada ku nool intooda badan xaaladdaas oo kale ayaa haysata, sida uu sheegay duqii hore ee magaaladaas, Beatrice Bara. Wuxuuna arrintan ku tilmaamay cawaaqibxumo aan hore loo arag oo ka dhalatay kumannaan rag ah oo dalalkooda uga haajiraya Yurub.
Marka ay guursadaan, raggu waxay ballanqaadaan inay marar badan soo noqon doonaan ama ay xaasaskooda masruufi doonaan marka ay si wanaagsan u degaan dalka ay u shaqa tageen. Qaarkood sidaas way sameeyaan. laakiinse taasi waxay ahayd ka hor burburkii dhaqa alaha adduunka iyo ka hor intii Yurub aysan isubeddelin dhufeys.
Alimata markii ay guursatay Saada sanadkii 2008, waxay u maleynaysay inay isla markiiba ugu tegi doonto Talyaaniga. "Wuxuu u maleynayay inuu isoo wadi karo, balse shaqa la'aan ayuu noqday isla markiiba," ayay tiri Alimata.
Inkastoo aada uu awood u yeeshay inuu guri hal qol ah Alimata uga dhex dhiso deegaanka waalidiintiis ay ku nool yihiin, haddana marnaba kuma aanu guulaysan in dalka Talyaaniga uu lacag badan kasoo diro, wuxuu illaa iyo hadda soo diray $25 oo keliya oo ay bilooyin u dhexeeyeen.
Nasiibwanaag marnaba Alimata kuma tiirsanayn lacagta saygeeda Saada uu u soo diro oo keliya. Waxay billowday ganacsi yar oo ah inay dhuxul iibiso. Waxay kaloo iibisa qayb ka mid ah wi xii beerta uga soo go'a, sidaas ayayna isubixisaa.
Qaybta labaad la soco Xigasho hiiraan.com
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}
Q/64aad
C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan Marka dhirta mira ha leh ee ka baxda beerteenna ayaan iska dhex fariistaa ka di bna ubaxyad quruxda badan ayaan iska daawadaa Gacaliso Xabbatul Lows xulBee lla abbaayo Macaan In dhaheyguna ey ku raax eystaan Anigoo isku Illowsiinaayo Fikirka Xu suusta iyo Wel welka aan xaggaada ka murugoonaayo, waxaa na aan dhirta Ubaxa leh dhexdeeda aan ka soo bar aarugaa markii Uba xa qaaliga ah ee Gacan ta Midig iigu jiray ceyn Hadiyad ah aanta kuu gu tala galay uu ubaxya da kale uu iiga dhex dhaco.
C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan wax aa jira maah maah Oraneyso {xilliga guga ayaa caadifadda iyo dareenka basharka kor u kacaan markaas ayuu u baah daa weheldhi ggiisa ah sida noolaha intiisii kale},
C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan waqtiga qaaliga ah waxaan ugu Jeclahay inaan kuugu dhameysto taasoo qal bi geyga farxad ku beereyso
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jaceylkaan xad dha afka ah ee aan kuu qabo adiga ayaa igu beeray aloow Guu shiisa na Haleeshii Adigeey Calafka iyo Farxadduba ay Gac antaada ku jiraane,Iftiinkii Qalbigeygaay waxaan weli Xusuus taa Maalmihi Wanwanaagsanaa oo aan ku haasaaweynay Beerihii Quruxda badnaa sida Farxadda iyo Reynreynta iyo Keymihii Ubaxa lahaa dhexdooda ayaan weli Hibaaqeyga ku dambeeya mana aan Iloobi doono Macaanto inta aan Ifka Kor kiisa aan ku Noolahay,waxaan Hilmaami waayey Haasaawa haadii sida miidda iyo malabka oo kale u Macaanaa, Ogoo wne inaan markast kuu Hiloobo mana aha XulBeella Xayaati Inaan Indhahaada ka Ilmeeyo oo aan is Qalbi Jebiyo , waxaa na farxadaadaa iyo Quudii ah Samirka iyo dulqaadka , waxa ana kuu muujiyaa waxa qalbigeyga ugu badan iyadoo Garas hadeydu ii marqaatikaceyso.
C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jidka aan ku socon no waa jidkiiAlle iyo Rasuuluba ey Raalli ka ahaayeen Jacey lka iyo Dabeecadda wanaagsanna waa ey inoo dhaw yihiin mana jecli Gacaliso Xul beella inaan Inaan Been kuu she ego waqtigana aan ku lummiyo adiga oo ah cadrad laabteyda ku weyn, oo aan xusuusteeda ku hurdohabeenkii.
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan iska ilaali is qaad qaadkaiyo san taagga ,ogoowna inuu yahay cammalka she ydaanka ee yuusan meel xun kaa ridin.
Mida kale midkastoo labadeyna ka mid ah yuusuan is darejeyn, intuu is darajeyna lahaa in ka badan , jaceylkeynana ha noqdo mid aan laba wajiile aheyn oo si deggan looga fekeray .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan weligaa wanaagga xigso, jaceyl dhab ah oo dhallanteedka ka fogna aan ku wada noolaanno.
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan waxaad ku qoran tahay looxa qalbigeyga, marka aad muuso otana waan kula muu soodaa,marka ad kurugootana waan kula murugoodaa,markii aad faraxdana waan kula farxaa .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan middda kalena Gacaliso waxaan jeclahay inaan isku fikrad iyo isku dooq ahaanno C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sidoo kalena xayaati qalbi ma aan ihi wiil buuraha goolis iyo geedaha baxarsaafka dushooda kora oo isla weynida noocaa ah qalbig iisa ku beeran,, mana ihi Abbaayo macaanto wiil is mahadinta aad sheegeyso xiiseeya ama ka hela .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan Soomaalida waxaay ku maahmaahdaa {qofkii jaceyl kuugu beero wax walbo aad wanaag u aragto wax ka sii} iyo mid kale oo leh {Raalliyo ninkii helaa raganimo ku faano}, hana igu qasbin hunno inaan gaban yarta ugaareed aan dersi la wadaago.
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sidoo kale macaanto ogoow inaan ku jeclahay doog iyo dira acba oo aan maalin qurana ku moogaan Karin markii aan ku waayanaxusuus ku nool xaggaaga ayaan ahay .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan haddii aadan ahayn midda hablaha ugu sidata waxaad tahay midda ugu quruxda badan ,marka aan ku soo xusuustana wadnaheyga sidii koor carrabkeed ayuu garaacaa, jaceylka aan kuu qabo awgiis hana noqon sida cadrad rabbi waanadii u dheg iyo dhaban marshay xul beellomacaanto mar walba oo qorraxdu baalka dhigato waa aan ku soo xusuustaa fiid iyo alleylba waxaana aan kugu qiyaasaa sida mayaay roob meel walboo aad joogtaba waan soo gebi raacaa,marka uu habeenka labo isu dhigona ma lado qalbigeyga ayaan kaa dhex arkaa , habeenkaana hurdada iima dhadhanto oo soo jeed baan ku waabariistaa, mana aan jecli xitaa inaan todobo caana maalaan kaa maqnaado waayoo Macaanto Xul-Beella Gacaliso intaaskuma moogan karo, tasina waa gobannimmo iyo dareen ay is dheer yihiin dadka mucaashaqiinta ah .
C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sida luulka,dahabka iyo dheemmanka ey dadka u jecel yihiin ayaankuu jecelahay macaanto, Intaa ka dibna XulBeella lammaanaheedii C/qaadir ahaa waxaa ay ku sagootisay Heestii Barkin Baan ku Tirshaa Bogga iyo Calooshee oo ay ku luuqeyn jirtay fannaanadda khadiijo Foodeey Nuur Alle ha u naxariistee waan tan Heestii :-
Hurdo kama bogtoo, Barkin Baan ku Tiirshaa,
Bogga iyo Calooshee
Berkaan u Seexdaa, Barbarrada ma Qabanaayee
EheeAhaa
Anigoo Burbburayoo,Dhinacyadu I Barareen,
Waagu ii Bariiyee
Boggii Jaceylka Intuu i Baday,Boggii Jaceylka wuxuu i Baday
Ayaan iga Ba’eeynee
Intii aan BadQabayee ,Howshiisu igu badan
Haba baran lahaayaa, how bixin lahaayaa
Iminkoon basteey ahay Baroor
miyaa wax ii qaban.
+++++====++++++======+++++=====++++++====
Bogsan Maaya oo, Bilic iyo Nasiibkeey
midna u baxsan waayee
Cad Ceeddaa Bidhaantaa ila Baafin Weydoo
oohoo aahaa
Berriya manta Baxnaanadeedaa,
Berriya manta Baxnaanadeedaan
Nafta Been u sheegaa
Intii aan Bad Qabayee Howhsiisu ugu badan
Haba Baran Lahaayaa, How bixin Lahaayaa
Imminkoon Basteey ahay Baroor Miyaa Wax ii Qaban
Intaas ka bacdi lammaanayaashii is Jeclaa Cabdulqaadir iyo XulBeella waxaa ay ku Ballameen.. La Soco Isniinta Danbe Hadduu Alle Idmo
W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA DICEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA OO DIB UGU SOO LAABTEY MUQDISHO, KADIB MARKII UU KA SOO QEYBGALEY SHIR MADAXEEDKII ISKAASHIGA SHIINAHA IYO AFRIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo l