Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo sheegay inuu ka bogsaday cudurka Kansarka

0
Monday December 07, 2015 - 08:48:17 in Wararka by
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo sheegay inuu ka bogsaday cudurka Kansarka

    Jimmy Carter hore madaxweyne uga soo noqday dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu ka bogsaday cudurka Kansarka oo maskaxda ugaga dhacay. Carter oo 91-sano jir ah ayaa warkan ka sheegay dugsi ku yaal gobolka Georgia oo uu macalin ka ahaa sida ay shaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimmy Carter hore madaxweyne uga soo noqday dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu ka bogsaday cudurka Kansarka oo maskaxda ugaga dhacay. Carter oo 91-sano jir ah ayaa warkan ka sheegay dugsi ku yaal gobolka Georgia oo uu macalin ka ahaa sida ay shaaciyeen wakaaladaha wararka dalka Maraykanka.

Mr Carter ayaa ka ahaa madaxweyne dalka Maraykanka intii u dhexeysay 1977-1981kii ayaa horaantii sanadkan laa sheegay in uu hayo cudurka Kansarka waxana bishii hore dhakhaatiirtii daweynaysay ay sheegeen in dawooyinkii la siinayay uu jirkiisu si wanaagsan u qaadanayo.

Baaritaan lagu sameeyay Carter toddobaadkan ayaa lagu ogaaday in uu ka bogsaday cudurka Kansarka ee maskaxda ugaga dhacay.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo ka soo jeeda Georgia kana mid ah xisbiga Dimuqraadiga ayaa aasaasay markii uu xilka ka dagay urur u ololeeya nabada waxana uu ku guuleystey abaalmarinta Nabada ee Nobel Peace Prize sanadkii 2002dii kadib markii uu dadaal xoog leh u galay sidii xalin lahaa khilaafaadka ka jirey caalamka iyo howlihii uu ka qabtay xuquuqda aadanaha iyo weliba dimuqraadiyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip