Pakistani ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo fool fool ah oo dhowaan gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada Dowladda iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, iyadoo la sheegayo in dagaaladaasi ay ka qeyb qaateen muhaajiriin ka yimid dalalka shisheeyaha.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ka dhawaajiyay in dagaal ka dhacay
degaan lagu magacaabo Baar oo u dhow tuulada Lo’ jebiye lagu dilay 10
ka tirsan ururka Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa nin u dhashay dalka
Pakistan.
Guddoomiye K/xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo ammaanka ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in qeybtii labaad ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka tababaro loo furayo si loo xoojiyo ammaanka gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli gudaha magaalada B/Weyne ay ka socdaan qabanqaabada dhismaha maamulka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Beled Weyne ay ku sii qulqulayeen madax ka tirsan labada gobol.
Pakistani ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo fool fool ah oo dhowaan gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada Dowladda iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, iyadoo la sheegayo in dagaaladaasi ay ka qeyb qaateen muhaajiriin ka yimid dalalka shisheeyah