Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay dalalka ku dhaqma Gudniinka Fircooniga Caalamka.
Haween gaaraya ilaa 129 million oo ku nool Caalamka ayaa waxaa dhaawacyo ku reebay Gudniinka Fircooniga ee FGM, sida lagu caddeeyey Warbixin ay Hay'adda UNICEF soo saartay.
Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa lagu xusay in 29 dal si caadi
ah looga isticmaalo Habkaasi, waxayna tobanka Waddan ee ugu horreeya
Dhaqankaasi Gurracan ee Gudniinka FGM-ka ayaa kala ah:
- Somalia 98%
- Gini 97%
- Djibouti 93%
- Maser 91%
- Sierra Leone 90%
- Mali 89%
- Sudan 88%
- Eritrea 83%
- Burkino Faaso 76%
- Ethiopia 74%
Jaalliyadaha Soomaalida ee dibeddaha ku nool waxay qaarkood weli ku dhaqmaan Gudniinkaasi,gaar ahaan Soomaalida ku nool Maraykanka iyo Europe oo iyagu intooda badan gabdhahooda u soo kaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si loogu sameeyo gudniinka FMG.
Dhinaca kale Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi ayaana ah goobta ugu mashquulsan ee lagu fuliyo FMG-ka, waxaana gabadhiiba laga bixiyaa kharaj dhan 300-Dollar.