C/Salaan Hadliye: "Waxa ugu weyn ee laga wadahadlay waa sidii loo soo celin lahaa doorkii Shiinaha uu ku lahaa Soomaaliya"
C/Salaan Cumar Hadliye oo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlay ay ka mid yihiin sidii Dowladda Shiinaha ay dib u dhis ugu sameyn lahayd goobo ay ka mid yihiin: Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xarumaha Dowladda, Waddooyinka iyo goobaha danta guud.
"Waxa ugu weyn ee laga wadahadlay waa sidii loo soo celin lahaa doorkii Shiinaha uu ku lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Hadliye oo sheegay in kulankii Xasan Sheekh iyo Xi Xi Jinping uu ku dhammaaday guul iyo ballanqaadyo ku aadan dib u dhiska Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya – C/Salaan Cumar Hadliye
Dowladda Shiinaha ayaa horay door muuqda ku lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya, hase yeeshee haddii uu hirgalo ballanqaadka Soomaaliya ee Shiinaha waxaa meesha ka baxaya 25-sano ka dib inuu dhayi karo dhaawaca ka soo gaaray dagaaladii sokeeye.
C/Salaan Hadliye: "Waxa ugu weyn ee laga wadahadlay waa sidii loo soo celin lahaa doorkii Shiinaha uu ku lahaa Soomaaliya"
Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya C/Salaan Cumar Hadliye ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan dalka K/Afrika ku dhex maray Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo China, isagoona sheegay arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlay ay ahaayeen sidi