
Weerar ka dhacay Caasimadda Masar oo lagu dilay 16 qof (Daawo Sawirada)
16 qof, ayaa waxaa lagu dilay weerar lagu qaaday baar xilliyada habeenkii lagu caweeyo, oo ku yaala Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar.
Warbaahinta Masar, ayaa tebisay in niman wejiyada soo duubtay ay baarkaasi ku weerareen qaraxyada macmalka ah, ee laga sameeyo dhallooyinka shidaalka laga soo buuxiyo. Dadkii baarka ku sugnaa oo is buurtay, ayaa waxaa dhacday in naqaska
uu ku dhigo, taasina ay sababtay dhimashada 16-ka ruux, ka dib markii ay
dadku soo dhoobteen albaabka qura ee baarkaasi looga baxo.
Laamaha ammaanka, ayaa waxay baadi-goob ugu jiraan illaa lix nin oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi, kuwaa oo aan la garanayn halka ay u carareen.
Qoraal ay Jimcihii soo saartay Xukuumadda Qaahira, ayaa waxaa lagu sheegay in suurtagal ay tahay, in weerarkaasi uu noqon karo fal argagaxiso, oo ay gaysteen kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirika ah.
Waxaan jirin cid sheegatay in ay ka masuul tahay weerarkaasi, balse waxaa tuhun laga muujinayaa Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).
Dhaqaalaha Masar, ayaa waxaa bishii la soo dhaafay ku yimid hoos u dhac weyn, markii 30-kii bishii October diyaarad rakaab ahayd, oo Ruushka laga lahaa lagu soo riday Gacanka Sinai


0 

















Weerar ka dhacay Caasimadda Masar oo lagu dilay 16 qof (Daawo Sawirada)
16 qof, ayaa waxaa lagu dilay weerar lagu qaaday baar xilliyada habeenkii lagu caweeyo, oo ku yaala Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar. Warbaahinta Masar, ayaa tebisay in niman wejiyada soo duubtay ay baarkaasi ku weerareen qaraxyada macma