
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DIALY NEWS PAPER EE MAANT OO AH ISNIIN 2-DA OKTOOBAR 2017-KA
kaddib markii ay cillad ku timid mid kamid ah matoorrada diyaarada.
Mid kamid ah afarta matoor ee ku rakibnaa diyaarada lambarkeedu yahay A380 ayaa qeyb ahaan burburay xili diyaaradu ay dulmareysay badda Atlantic.
Ilaa iyoo hadda majirta cid wax ku noqotay shilkaani, waxaana diyaaradaasi saarnaa dad gaaraya shan boqol oo qof.
WASIIRKA AMNIGA OO SOO BANDHIGAY BAARITAANKA KIISKII XAMAR WEYNE, TALIYEYAAL IYO ASKAR LOO XIRAY
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo ban dhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo watay gaari ay ku rasaaseeyeen gaari kale.
Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay ninka laga shakisan yahay iyo gaarigii lagu fuliyay weerarkaas oo baaritaan lagu haayo.
"Waxaa la hayaa cadeymo furo u noqon kara kiiska, dib ayaa laga soo sheegi doonaa marka uu baa ritaanka soo dhamaado, gaariga uu ninka watay baaritaan dheeraad ayaa ku socdo”ayuu yiri Wasiirka Amn iga.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac.
"Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ee degmada Xamar weyne xabsiga ayaa la dhigay, xila lkana waa laga qaadaty, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay 12 askari oo ku kala qornaa labo isgoys oo mid na weerarka ka dhacay, midna ku dhowaa, waxaa ku raadjoognaa askar kale oo ku qorneyd labada Isg oys”ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo laga qaadi doono Taliyeyaasha iyo askartii dayacday shaqadii loo xil saaray ma ka gabaiyay waajibaadkooda.
"Waxaa baaritaanka kiiskan u xil saarnay Guddi ka tirsan Taliska Booliska, sida ugu dhaqsiyaha bad an halagu soo gaba gabeeyo, dambiilayaasha lagu horkeeno cadaalada, waxaa jiri doono isla xisaabtan iyo dabagal lagu hubin doono shaqada iyo howlaha ciidamada ammaanka, mana jiri doono mas’uul aan gudan waajibaadkiisa oo xil sii heyn doono”ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Natiijada baaritaanka uu soo bandhigay Wasiirka Amniga ayaa noqonaya kiiskii ugu weynaa ee sida wadajir ah ay baaritaankooda uga qeyb qaataan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, iyadoo tan iyo maalintii Khamiistii, markii uu Wasiirku soo saaray amarka, ayaa waxaa socday baaritaano aan kala go’ laheyn.
Dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday degmada Xamar weyne ayaa su’aal badan iyo shaki kala duwan dhalisay, markii rag hubeysan oo gaari wadatay ay weerar ka geysteen Xamar weyne, iyadoo halka weerarka ka dhacay ay ka agdhowaayeen baro ciidamada ku sugnaayeen.
GUDOOMIYE JAWAARI OO LA KULMAY XOGHAYAHA GUUD EE JAAMACADDA CARABTA..
Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Axmed Abuu Geyd.
Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaas adda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.
XILDHIBAAN DALXA "DOWLADDA DHEXE WAY KA GAABISAY XALINTA KHILAAFKA GALMUDUG”
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soo maaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay Xaaladda qalafsan ee ka aloosan Magaalada Cadaado, taas oo u dhexeysa Masuuliyiinta Maamulka Galmudug.
Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Maamulka Galmudug dhisiddiisa laga soo maray dhibaato aad u badan, islamarkaana aan laga fileynin heerka uu shalay taagan yahay, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay kaalintii kaga aadaneed.
Waxaana uu ugu baaqay Siyaasiyiinta isku haya Arrimaha Galmudug in si walaalnimo ah ay ku dha meeyaan Khilaafkooda, islamarkaana aan colaad loo horseed Galmudug.
Muddooyinkii dambe ayaa Magaalada Cadaado waxaa ka taagnaa Muranno siyaasadeed oo aad u xoogan una dhexeeyay Madaxda sar sare ee Maamulka Galmudug, kuwaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin.
GABAR SOOMAALIYEED OO U GEERIYOOTAY DHAWAC KA SOO GAAR DUUFAAN KA DHACDAY MAGAALADA OTTAWA
Gabar Soomaaliyeed oo ku nooleyd magaalada Ottawa ayaa u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray duufaan ka dhacaday 27ka bishan September.
Garbartaas oo lagu magacaabi jiray Hibo Maxamed Yuusuf ayaa waxaa ku dhacay geed ay duufaan ta soo riday xilli ay mareysay agagaarka Isbitaalka weyne ee Ottawa General Hosipital.
Allaha u naxariistee Hibo Maxamed Yuusuf ayaa habeen hore oo bisha September 30keedii ahayd ku geeriyootay Isbitaalka Civic Hospital ee magaalada Ottawa.Hibo Maxamed Yuusuf ayaa ahayd gabar wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Ottawa, waxayna jaaliyadda Soomaaliyeed ku noqotay arrin naxdin leh.
MICHEAL KEATING OO BAYDHABO KULA KULMAY MASUULIYIIN KA TIRSAN MAAMULKA KOONFUR GALBEED
Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keatin g ayaa shalay tagay magaalada Baydhabo isaga oo u kuurgalay xaaladda ammaanka.
Nuuradiin Gacma oo ah afhayeenka madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in , Micheal Keating uu Baydhabo kula kulmay kusimaha madaxweynaha maamulka ahna wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) waxaa kale uu tagay saldhigga dhexe isaga oo halkaasi ku qaabisay taliyaha saldhigga Dhiig Birig, warbixinna ka dhageystay.
Dhinaca kale, Keating waxaa uu booqday saldhigga tababarka ee ciidamada UK ka filiyeen duleedka Airportiga Baydhabo, waxaa uu warbixin ka dhageystay heerka uu dhismaha marayo, waxaa uu sidoo kale soo arkey ceelal riigag ah oo halkaasi ka qodeen hey’adaha qaramada midoobey, isaga oo intaasi kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho.
DIYAARADO DAGAAL OO DUQEYN KA GEYSTAY GOBOLKA SHABELLAHA HOOSE
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Duqey een Degaan u dhow Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana ay Fariisin ku leeyih iin Dagaalameyaasha Alshabaab.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheeg ay in Diyaarado Dagaal oo ah kuwa Duuliye la’aanta ah ay Duqeyeen Saldhig Alshabaab ay ku leeyihiin Me el aan sidaa uga Fogeyn Degmada Baraawe,waxaana uu xusay in la burburiyay Gaadiid Dagaal oo ay Alshabaab lahaayeen.
Illaa hadda lama oga Khasaaraha Duqeynta ay Sababtay,mana jirto cid sheegatay Duqeynta ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose.
LIXDA MUSHARAX EE SADDEXDA XISBI OO LA GUDOONSIIYEY SHAHAADADDA AQOONSIGA MUSHARAXNIMO
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa gudoonsiiyey lixda musharax ee saddexda xisbi uga qay bgali doonta doorashadda madaxtooyada ee Somaliland ee bisha November 13keedda ka dhici doonta Somaliland.
Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in lixda musharax buuxiyeen shuruudihii laga rabay mushar axnimadda, waxaanay siiyeen shahaadooyinkii loogu aqoonsanayey musharaxnimadda.
Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdi qaadir Iimaan Warsame oo ka hadlaya munaasibad an shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey waxa uu yiri "Waxaanu iskugu nimid in aanu idin gudoonsiino Li xda musharax ee sadexda xisbi qaran shahaadooyinkii sharciyan ka dhigayey inay u taagan yihin doora shadda soo socota iyagoo kala ah musharax madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, shalay laga bilaabo aad tihin lixda musharax ee tartankaasi ka qaybgalaya”
Sidoo kale, waxay sheegeen in lixdan musharax buuxiyeen shuruudihii laga rabay ee ay tartanka ka ga qaybgalayaan.
Intaasi ka dib waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyeyaasha saddexda xisbi, kuwaas oo soo dhowee yey shahaadooyinkaasi la gudoonsiiyey.
Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in la kala dooranayo lixdaasi musharax ee xisbiyadda hor boodaya, waxaanu yiri " geedi dheer baynu soo soconay oo ahaa in aynu shalay halkan soo gaadhno, laba sanno ka hor ayey ahayd inaynu halkan soo gaadhno, waa Qaddar allle inuu ilaahay shalay ina soo gaadhsiiyey”.
Waxaanu intaas ku daray "waxa la kala dooranayaa lixdaas nin ee shahaadooyinka la gudoonsiina yey, waxaan ilaahay ka baryeyaa in kii khayr u leh dalkan uu guulaysto, anagana hadii aanu khayr anaga iyo shacabkaba u lahayn kuma waydiisan”
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri " lixdaasi nin ee shahaaadooyinka musharaxnimada la siinayo waajibka saaran waxa weeyi doorashadda la galayo iyo shacabkaasi kala dooranaya in la inaga helo xigmaddii iyo qorshihii horumar mooyee aan dib u dhac inoo ke enin, sidaa uu xilkoodu inoo saaran yahay ayaa loo baahan yahay in loo dadaalo, waxaa kale oo aan ku dardaarayaa lixda musharax soo wada bixi maayaan ee laba uun baa soo baxaya afarta hadhayna waa inay dulqaadkoodda iyo samirkoodda yeeshaan. Nin waliba waa inuu niyada galiyaa inuu guulaysan karo iyo in laga guulaysan karo”.
Gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaanu yiri "waan ku far axsanahay in shahaadooyinkii musharaxnimadda la na siiyo, anagu doorasho xor oo xalaal ah natiijo ka soo baxda in aanu aqbali doono hore ayaanu u sheegnay, waa la is xaman jiree malaha qolada mujaahidiinta ah ayaa xagayaga laga baqan jiray”
Dhinaca kale, waxa saddexda gudoomiye ee xisbi kala saxeexdeen anshax doorashadda lagu gal ayo, isla markaana dhowaan la bayaamin doonno wakhtiga ololaha oo xisbi walba toddobaad la siin doono ololihiisa iyo dhoolatuskiisa.
FAYSAL CALI WARAABE OO KAHOR YIMID HADAL RA’IISUL WASAARE KHEYRE KA SHEEGAY QM
Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku dhaliilay hadal kamid ahaa khudbaddii uu dhowaan ka jeed iyey xarunta golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Waraabe ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku qaldanaa in beesha caalamka ugu baaqo ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaheeda, wuxuuna sheegay in Somaliland aanay warkaasi la qabin waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu Wareebe ugu yeeray beesha caalamka in aanay dha geysan hadalka Ra’iisul wasaaraha, Somalilandna ay tahay dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.
"Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ku boorinayey UNta iney ilaaliyaan midnimada Soomaaliya iyo xuduudaheeda, waxaan u sheegeynaa adduunka in xuduudaha uu sheegayo ay tahay Somalian Italian” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Ugu Dambeyn, injineer Faysal Cali Wareebe ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland iney midooba an, khaatka iska daayaan, una soo jeestaan waxqabad.
RABSHADO KA DHASHAY AFTIDA CATALONIA EE DALKA SPAIN
Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen kaddib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka kunool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go'aan Spain inteeda kale.
Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta. Koox aha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawac may rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia. Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka.
Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.
Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumad da Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.
Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda afti dani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.
Dadka kunool gobolkaasi ayaa shalay bilaabay inay safaf dhaadheer u galaan goobaha codeynta aft ida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe.
Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.
GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO SOO SAARAY QODOBO DHOWR AH
Golaha Wasiirada Galmudug oo gelinkii dambe ee shalay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ay aa waxay soo saareen qodobo xasaasi ah, oo la xiriira xaalada siyaasadeed ee hada ka taagan Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulanka shir guddoominayay ayaa wax aa looga hadlay go’aankii qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ay xilalkii uga qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug.
Sidoo kale waxay Goluhu ka hadleen gogosha ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u dhigtay Dowlad Goboleedyada si looga arrinsado xaaladaha siyasadeed ee dalka, waxaana goluhu isla garteen in wafdi heer sare ah loo diro shirkaas oo muhiimad gooni ah u leh Galmudug.
Golaha Wasiirada sidoo kale waxa ay ka hadleen faragelinta Dowladda Federalaka ku hayso Galmu dug, waxayna u soo jeediyeen inay ka shaqeyso midnimada umadda Soomaaliyeed.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKA GOLAHA WASIIRADA
1.In ay si buuxdo u ayideen go’aankii Barlamaanka DGGM 30092017 ee ka dhacay Xarunta KMG ee Cadaado.
2.Golaha Wasiirada waxaa ay ayidayaan go’aanka Maxkamadda Sare Galmudug ee ka qadatay kooxdii afgambiga dhicisoabay soo abaabushay ee ay ugu yeertay in ay sharciga horyimaadaan.
3.Golaha Wasiirada waxa ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga soo abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.
4.Golaha wasirada waxa ay soo dhaweynayaan gogosha Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland u fidisay Dowlad Goboleedyada si looga wada xaajoodo xaladaha adag ee siyasadeed ee dalku uu wajahayo kuwaas oo dib u dhac ku keeni kara qorshoyaalkii horumarineed ee la hiigsanayey.
5.Dowlada Federalka ee Soomaaliya waxaa uu goluhu u soo jeedinyaa inay ilaaliso hanaanka federaalka dalka islamarkaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.
6.Golaha Wasiirada waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka IGAD ee wada hadalka ASWJ iyo Galmudug iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo wada jirka bulshada Galmudug loo gaaro.
7.Golaha Wasiirada waxa ay ugu baqayan Dowladda Dhexe iyo saxiibada Dowlad Goboleedyada in Gal mudug lagu taageero hannaanka sharciga iyo kala dambeenta, islamarkaana ay tixgaliso tabashada Dow lad Goboleedyada Dalka.
8.Urur Goboleedka IGAD, AU, UNSOM iyo dhammaan saxiibada beesha caalamka waxaa laga codsana yaa inay laba jibaaran taageeradooda Soomaaliya, iyadoo weliba dalka uu ku jiro xaalad adag ee abaareed.
9.Saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha Galmudug waxaa looga digayaa sii deynta warar kasta oo abuuri kara xiisad siyaasadeed ama amni daro, islamarkaana ka soo horjeeda siyaasada dowladda.
KHASAARO KA DHASHAY WEERARO KA KALA DHACAY CANADA IYO FRANSIISKA
Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo uu kujiro sarkaal katirsan ciidammada booliska lagu dhaawacay weeraro loo maleynayo inay yihiin fal argagixiso.
Weerarka hore ayaa waxaa la sheegay in nin watay baabur uu jiirsiiyay saldhig ay leeyihiin ciida mmada booliska, kahor inta aanu toori ku weerarin askartii halkaasi joogtay. Ninkan oo aan heybtiisa la aqoonin ayaa ka baxsdaay goobta.
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in calanka madowga ee lagu yaqaano kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee Daacish lagu arkay goobta uu weerarka ka dhacay.
Saacad kaddib baabur nooca baska oo xowli ku socda ayaa la jiirsiiyay afar qof, waxaana wararku sheegayaan in ninka looga shakiyay weerarkani ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee wadanka Canada.
Warbaahinta gudaha ee dalkaasi na waxaa ay kusoo warrantay in isla ninka ciidammadu ay qabteen uu yahay midka geystay weerarkii hore.
Booliska Fransiiska oo isku gedaamay goobta uu weerarka ka dhacay
Booliska Fransiiska oo isku gedaamay goobta uu weerarka ka dhacay
Dhanka kale laba dumar ah ayaa lagu dilay goob laga raaco tareenada oo ku taalo magaalada deke dda leh ee Marseille ee dalka Fransiiska.
Ninka weerarka geystay oo loo maleynayo in uu kasoo jeeda waqooyiga qaarada Afrika ayaa markii dambe waxaa dilay ciidammada booliska.
Ninkan ayaa markii uu weerarka geysanayay waxaa la sheegay in uu ku dhawaaqayay ''Allahu akbar''.
AXMED DUCAALE XAAF OO XAALAD DEG DEG KU SOO ROGAY DEEGAANADA GALMUDUG (AKHRISO)
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Baarlama anka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa shalay soo saaray wareegto uu xaalad deg deg ah ku soo rogayo deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in xaalad deg deg oo soconeysa 3 bilood oo ka bilaabata bisha October uu ku soo rogay deegaanada Galmudug.
Xaaladan deg dega ah ayaa waxay awoodo dheeraad ah siineysa maamulkiisa, isagoo fara ciid amada kala duwan inay fuliyaan amarkan.
Arrintan ayaa waxay sii kicineysa xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Galmudug, waxaana Baarlamaanka Galmudug uu noqday mid labo garab u kala jabay oo sameeyay xil ka qaadis iska soo
rjeeda.alkan hoose ka akhriso wareegtada:

BOGGA CAYAARAHA
MADAX WEYNAHA KOOXDA BARCELONA JOSEP MARIA BARTOMEU OO KU DOODAY IN KOOXDIISA LOOGU HANJABAY INAY LUMIN DOONTO 6 DHIBCOOD HADII…
Madax weynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka kulanka Las Palmas ay kula ciyaarayaan garoonka Camp Nou albaabada loogu laabay si aysan kaga soo qeyb gal in jamaahiirta labada kooxood, xili kulankan uu ka mid yahay kulamada 7aad ee La Liga.
Barcelona ayaa go’aan ku gaartay kadib markii xiriirka kubada cagta dalka Spain uu diiday codsigii ahaa in dib loo dhigo ciyaarta, sababa la xidhiidha amniga jamaahiirta, maadaama xaalad aysan deganeyn, sabab la xidhiidha in gobolka Catalonia ee dalka Spain ka socota aftida dadwayne ee ay ku go’aaminayaan mustaqbalkooda siyaasadeed ee ku aadan haddii ay xoriyad ka qaadanayaan Spain inteeda kale iyo haddii ay qayb ka sii ahaanayaan. Hadab Madax weynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu u sheegay saxaafada: "waxaan diidaneen inaan ciyaarno kulankan iyadoo aanan jamaahiirtayada ku sugneen Cump Nou”. Josep Maria Bartomeu ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: "Ma aanan awoodin inaan heshiis la gaarno xiriirka kubada cagta dalka Spain iyo maamulka horyaalka La Liga-ha, wax ay inoogu hanjabeen in 6 dhibcood aan waayi doono haddii aanan ciyaareynin kulanka Las Palmas”.
WENGER OO SHAACA KA QAADAY IN SADDEX KA MID AH XIDIGAHA ARSENAL AYSAN KA QEYB GALI DOONIN KULAMADA ISREEBREEBKA KOOBKA ADDUUNKA ISBUUCA SOO AADAN.
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa shalay oo Axad ah sheegay in ciyaartoydiisa, Laurent Koscielny, Mesut Özil iyo Danny Welbeck ay seegi doonaan kulamada isreebreebka Koobka Adduunka maalmaha soo socda, sababo la xiriira dhaawac.
Xiddigaha Laurent Koscielny, Mesut Özil iyo Danny Welbeck ayaa seegay kulankii shalay ay Arsenal 2-0 kaga badisay Brighton ee horyaalka Premier League waxayna seddexdaan ciyaaryahan halkooda kasii wada doonan isbuuca soo aadan kasoo kabashadooda dhaawacyada ay la maqan yihiin.
Arsene Wenger ayaa Yiri "ma bixi doonaan qaar ka mid ah ciyaartoyda kulamada caalamiga ah ee isbuuca soo aadan sida Laurent Koscielny, Mesut Özil iyo Danny Welbeck”.
Laurent Koscielny ayaa la dhibtoonaya dhaawac dhanka jilibka ah, waxaana uu seegi doonaa kula mada uu xulka France la ciyaari doono xulalka Bulgaria iyo Belarus ee ka tirsan kulamada isreeb reebka koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia. Mesut Özil oo isna dhaawac dhanka jilibka ah soo gaaray ayaan awoodi doonin inuu kasoo muuqdo xulka Germany kulamada uu ka ciyaari doono Group C, ee Northern Ireland iyo Azerbaijan.
Danny Welbeck ayaa isna la maqan dhaawac dhanka bowdada ah waxaana uu seegi doonaa kulam ada isreebreebka uu xulka England la ciyaari doono xulalka Slovenia iyo Lithuania.
WARBIXIN: 2 DHACDO OO LAYAAB LEH OO LAGA DIIWAAN GILIYAY CIYAARTII AY BARCA KA BADISAY LAS PALMAS
Camaaliqada Horyaalka Spain ee Barcelona ayaa waxay kaga hortegtay kulan ciyaareed aad uxiiso badan oo ka tirsan Horyaalka La Liga ee dalka Spain, naadiga Las Palmas, waxaana kulankaan lagu dhee layay garoonka ay leedahay Blaugrana ee Lagu magacaabo Comp Nou.
Ciyaartaan ayaa waxay ahayd kulankii Todobaad, wareegiisa koowaad ee tartanka koowaad ee dal ka Spain, waxaana haatan hogaanka uhaysa Barcelona, iyadoona kooxda ay ku xifaaltamaan Tartankaan ka sareysa dhibcooyin aad u badan, inkastoo ay tahay mid xalay dheeleysa.
Barca iyo Las Palmas, wuxuu kulankoodu ahaa mid saameyn badan ku yeeshay caalamka, waxa ana uu soo jiitay dhamaan dadka ku nool aduunka, iyadoona dadyow qaar oo aan waqti u heleyn inay daaw adaan ciyaar ay fiirsadeen, waxaana sabab u ahaa labadaan arimood.
In Kulanka Uu Qarka U Saarmay In La Baajiyo:- Warbaahinta dalka Spain ayaa si aad ah, waxay u tabineysa sacaadihii ugu dambeeyay ee kulankaan bilaabashadiisa sheekooyin ama warar ku aadan in la baajin doono, inkastoo hadana dib laga dheelay.
Sababta keentay in sidaas ay dhacdo ayaa waxay ahayd in Gobolka ay ka dhisan tahay kooxdaan Barca ay ka dhaceysay afti la doonayay inuu kaga go’o, dalka Spain, intiisa kale, waxaana ay tahay arinta koowaad ee laga diiwaan giliyay ciyaartaan aadka uxiisaha badneed.
In Kulanka La Dheelay Taageero La’aan:- Ciyaartaan oo ka dhaceysay garoonka Barcelona ee Co mp Nou ayaa wuxuu ahaa mid la dheelay taageero la’aan, waxaana koox waliba ay uga soo tegtay jamaah iirteeda banaanka, sababo ku aadan in laga baqayo amaanka.
Sababta keentay in amaanka aad looga boqo ayaa waxay ka dambeysay kadib markii Ciidanka Booliska ee dalka Spain iyo dad Shacab ah oo codbixyaal ahaa, ay fooda is dareen, waxaana halkaas ku dhaawacmay dad badan, iyadoona ay noqotay sheekadii labaad ee laga bartay ciyaartaan.
RASMI: ELMAN OO LA SOO SAXIIXATAY WEERARYAHANKII HORE KOOXDA JEENYO …
Kooxda kubadda cagta Elman ayaa shalay soo bandhigtay saxiixa weeraryahankii hore kooxda Jeenyo Cabdiqaadir Shariif Muqtaar (Niinje).
Laacibkan oo ka mid ah Xidigaha ugu Halista badan Weeraryahanada Ka Ciyaara Dalka Somaliya ayaa waqti kala duwan kusoo qaatay kooxda Jeenyo oo uu kula soo Guulesytay Koobab kala duwan.
Elman ayaa si fiican uga soo dukaameysatay kooxda Jeenyo oo ay ka tageen dhamaan Xidigihii awooda lahaa ee kooxda Waxayna Jeenyo Kala soo Wareegtay Daandii, Anwar Shakunda, Meyma iyo Cabdiqaadir Shariif muqtaar (Niinje) oo iminka ku soo biiray..
Cabdiqaadir Shariif Muqtaar ayaa waayo fiican ku soo qaatay kooxda Jeenyo isago lagu tiriyo weeraryahanada ugu halista badan horyaalka heerka koowad ee dalkena Soomaaliya.
Isago la Hadlay Saxaafada kadib Soo bandhigsitii shalay ee Ciyaaryahanka ayuu Yiri "Aad ayaan ugu faraxsanahay In aan manta ka mid noqday koox Magac weyn ku leh somaliya,Waa Koox Taarikh Kala Duwan Samaysay Sanadihii ugu danbeyay”
Kooxda Macalink Cabdi Joon ee Elman ayaa u soo baxday wareega xiga Tartanka General Daa’udd oo Caasimada ka socda markii shaley guul weyn ay ka gaartay kooxda Waxool.
ENGLAND - PREMIER LEAGUE
Arsenal 2 - 0 Brighton & Hove Albion
Everton 0 - 1 Burnley
Newcastle United 1 - 1 Liverpool
ITALY - SERIE A OCTOBER 1
SSC Napoli 3 - 0 Cagliari
Benevento 1 - 2 Inter
ChievoVerona 2 - 1 Fiorentina
Lazio 6 - 1 Sassuolo
SPAL 2013 1 - 1 Crotone
Torino 2 - 2 Hellas Verona
AC Milan 0 - 2 Roma
Atalanta 2 - 2 Juventus
SPAIN - LALIGA SANTANDER
Real Sociedad 4 - 4 Real Betis
Barcelona 3 - 0 Las Palmas
Valencia 3 - 2 Athletic Bilbao
Villarreal 3 - 0 Eibar
Real Madrid 2 – 0 Espanyol


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DIALY NEWS PAPER EE MAANT OO AH ISNIIN 2-DA OKTOOBAR 2017-KA
CILLAD KU TIMID DIYAARAD HAWADA KU JIRTAY Shirkadda duulimaadyada ee Air France ayaa xaqiijisay in ay cilad ku timid mid ka mid ah diy aar adaheeda xilli ay ku jirtay hawadda. Waxa ay ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Fransiiska, kuna sii