
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA SABTEMBAR 2017-KA
Arrintan oo ah mid ku cusub ololayaa shadoorashooyinka dalka ka dhaca ayaa noqotay mid dadku aysan hore u fileyn waayo waxaa lagu ogyahay inta badan siy aasiyiinta inay qarashaadka ololaha ay ku bixiyaan xayaysiinada iyo lacago ay siiy aan xildhibaanada soo dooranaya.
Hase yeeshee ololaha doorashada ka socota magaalada Jowhar ayaa waxaa daryeel caafimaad ka helay hooyo iyo ga badheeda oo saddex jir ah. Hooyada gab adhan ayaa caloosha biyo ugu jireen hal ka gabadheeda yarna ay la xanuunsanays ay nabar ugaga soo baxay gacanta oo wax loogaga qaban waayay M/Jowhar.
Balse markii ay dhalilnyaro reer Jowh ar ay u tageen Musharax Daahir C/lle Ca waale oo kamid ah musharaxiinta u tarta maysa doorashada Hirshabelle una shee geen xaalada qoyska ayuu u ballan qaa day inuu ka bixinayo dhammaan qarasha adka ku baxaya gabadha iyo hooyadeed sida uu jow har.com u xaqiijiyay Siciid Isa aq Cumar oo ah nin dhalinyaro ah oo u dhaqdhaqaaqa gargaarka dad ka taagta daran.
"Musharax Daahir C/lle waxa uu bixiy ay lacag dhan $1,000, waxana uu ballan qaaday inuu bixin ayo dhammaan qara shka ay qoyska u baahdaan inta la dawe ynayo waxaana aan geynay isbitaal Dig feer ee magaalada Muqdisho xaalada ho oyada iyo gabadheedana way ka soo reyn ayaan.”ayuu yiri Siciid Yare.
"Gabadha yar oo la yiraahdo Farxiyo Cali Sh. 3da sano jirna ah ayaa wax looga ga qaban waayay isbitaalada M/Jowhar qoyskeeduna ma awoodin inay M/Muqdi sho u doontaan dawo waxaana dhib aato ku hayay nabar ka soo baxay oo ku faafay gacanta oo dhan.”ayuu sii raaciyay Siciid Yare. Sidoo kale hooyada dhashay gab adhan ayaa laga miirey biyo caloosha uga jirey waxayna haatanku jiraan isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee M/ Muqdisho
DADKII SOOMAALIDA AHAA EE LAGU DILAY DEEGAANKA HAWADAAY OO AAS WADAR EED LOO SAMEEYAY
M/Jigjiga ayaa lagu waramayaa in Aas Wadareed loogu sameeyay ilaa 28 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay deeg aanka Hawadaay ee Bariga Itoobiya. Aas ka loo sameeyay dadkan ayaa wa xaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta dowlad deegaan ka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horee yo Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya.
Sida uu sheegay la taliyaha madaxwey naha ee arrimaha saxaafadda Maxamed Bille Xasan, waxaa jira 2 xabaalood oo kale oo qodan oo lala sugayo meydad las oo wado. Dadka lafahooda lasoo bax sad ay waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ci ise oo isaga oo ku sugan magaalada JigJ iga u wara may BBCda, wuxuuna yiri "Ana ga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa wax aa na soo weeraray ciid amada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hub eysan, inankii oo markaas suuliga aaday ayeey ku dageen. Waxaa uu sheegay Axmed Ciise oo walaalkii goobta lagu dilay in uu arkay mey dad ka illaa 50 qof oo Soomaali ah. Waxa uu intaas ku daray in magaalada Hawa day ee dhibku ka dhac ay uu arrimo ganac si u joogay muddo 20 sanno ah, islamar kasina uusan dib ugu laban doonin ebed.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay isma amulka Oromiya oo lagu magacaabo Adi su Arega ayaa BBCda u sheegay in dad ka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaa li yihiin, halka 6da kale ay Oromo yihiin.
WAFDI KA SOCDA DF IYO BEESHA CAALAM KA OO GAARAY JOWHAR
Wafdi ka socda DFS iyo Beesha Caa lamka ayaa waxa ay gaar een M/Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe, oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Doorashada Mada xweyna ha Hirshabeelle. Wafdiga DFS ka socday waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, wa xaana la socday Wasiirka Amniga, Wasiir ka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaad ka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xubno kale.
Sidoo kale M/Jowhar waxaa gaaray xubno ka socday Beesha Caalamka, urur goboleedka IGAD iyo xubno ka socday Afr ican Union. Agaasimaha joogtada W/Arri maha Gudaha XFS C/laahi Maxamed Xas an (Azhari) ayaa sheegay DFS inay taage eri doon to Madaxweynaha ay doortaan xildhibaanada Hirshabeelle.
Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay aa sheegay DFS inay dhexdhexaad ka tahay Doorashada, islamar kaana aysan jirin Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay. Mu sharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horey DFS ugu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso Doorashada Madaxw eyna ha Hirshabeelle.
DAD BADAN OO KU DHINTAY QARAXYO KA DHACAY DALKA CIRAAQ.
Qaraxyo waa wayn oo shalay ka dha cay M/Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac ba dan oo soo gaaray dad Shacab ah Ciraa
qiyiin ah. Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhi matay Qaraxyada oo 2 qahaa islamarkaa na ka dhacay koo nfurta Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Dalka Cir aaq iyo kuwa Caafimaadka.
Qof ayaa qarax gaystay ka dibna rag ayaa rasaas ku furay gudaha makhaayad ku taalla M/Nasiri ya, oo ah Caasimadda G /Dhiqar, sida sheegeen ilo laamaha amm aanka ka tirsan. Inyar ka dibna gaa ri ayaa lagu qarxiyay jidgooyo aan goobtii hore ka fogayn, sidaas waxaa sheegay afayeen u hadlay Booliska Dalka Ciraaq.
Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalka Ciraaq ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qar axaasi oo ay ku dhinteen dadka shacabka ah. Dad Shiico ah oo xajinayay Islamark aana ay ka mid yihiin kuwo ka yimid Iira an ayaa ku dhintay weerarkaas maanta ka dhacay Dalka Ciraaq.
MAGACII UU KU HOWLGALAYAY XAFIISKA IGAD EE SOOMAALIYA OO LA BEDELAY
Qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa lagu shee gay in magacii ho re ee uu urur goboleed ka IGAD ku howlgalayay dalka Soomaal iya la bedelay. Xafiiska IGAD ee dal ka So omaaliya oo la furay sanadkii 2008dii ay aa howlaha loogu talagalay inuu qabto wa xaa ka mid ah inuu ka caawiyo DFS nab ad dhisida,ammaanka iyo xasiloonida iya do loo marayo dib u heshiisin heer qaran.
Balse qoraalkan ayaa lagu sheegay in xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya uu lah aa 2 magac taa soo keentay in ay abuurto jahwareer ka dhashay aqoonsiga xafiiska.
Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa lagu she egay in laga bilaabo shalay uu xafiiska ku howlgalayo mag aca ah Xafiiska Howlgal ka Gaarka ah IGAD ee dalka Soomaaliya, ”IGAD Special Mission to Somalia (ISMS).
HALKAN HOOSE KA AQRISO QORAALKA KA SOO BAXAY IGAD
BOOLIISKA MAREYKANKA OO SI XUN ULA DHAQMAY GABAR KALKAALISO AH
2 Askari ka mid ah ciidama da booli iska dalka Mare ykanka ayaa si xul ula dhaqmay gabar kalkaaliso caafimaad ah oo diid ay inay dhiig ka qaado bukaan mi yir dabo olan oo la geeyay isb itaal ay ka shaqeen eysay. Askartan katir san bool iiska M/Salt Lake City ayaa lagu eedeeyay in ay shar afta uga dhaceen ciidanka bool iiska Mare ykanka, waxaana 2dan askari hadda waj ahayaan dhaleec eyn xooggan oo kaga im aaneysa dhinac yo kala duw an.
Waxaa socda baaritaano ku saabsan kii ska 2da askari ee ku aaddan falka ay kula dhaqaaqeen gabadha kalkaalisada ah, wa xaana muuqaalka sida ay wax u dhaceyn duubtay kaamirad ku xirned mid kamid ah labada askari ee sida xun ula dhaqmay Kalkaalisada. Kaamirad ku xirneed askari ga lagu magacaabo Jeff Payne ayaa laga arkay isaga oo qabanaya ka dibna gacma ha ka xiraya Kalkaalisada lagu magacaa bo Wubbels, oo u sheegtay in aysan nida amka waafaqsanayn in bukanka qaado dhiiga ay ka dalbadeen. Muuqaalka ayaa laga maqlayay codka Kalkaalisada oo ku cataabeysa in aysan wax dambi ah galin, waxaa sidoo kale muuqaalka laga dhage ystay codka askariga Jeff Payne oo sheeg aya in uu isbitaalka ka aarsanayo.
Duqa M/Salt Lake City, Jackie Biskups ki ayaa si kulul u cambaareeyay falkan ay ku kaceen ciidamada booliiska, waxa uu na sheegay in falka lagula kacay Kalkaal isada in uu yahay mid aan la aqbali karin.
WAQOOYIGA KUURIYA OO MAR KALE GANTA AL DUL MARISAY JAPAN
W/Kuuriya ayaa gantaal ay riday dul ma risay Hawada Japan, taasoo ah daandaan sigii 2aad ee noociisa ay 7aad gudahood dhacda. Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Kuu riya ayaa sheegay in gantaalkan uu masa afo ahaan gaarayay 770km, isla markaa na uu jaray xawaare gaaraya 3,700km, ka hor inta uusan ku dhicin badda hokkaido.
R/Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisu uusan marnaba u dulq aan doonin ficilada halista ah ee ka imaa naya waqooyiga Kuuriga.
Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareyk anka Rex Tillerson ayaa cambaareeyay gantaalka ay ridday Waqooyiga Kuuriya.
Golaha Ammaanka ayaa dhowaan cuna qabateyn cusub ku soo rogay W/Kuuriya, taasoo jawaab u ah tijaabinta gantaalada.
Waqooyiga Kuuriya ayaa ka dhega fureys atay baaqyada beesha caalamka ee ku aa dan inay joojiso horumarinta barnaamijkee da Nuclear iyo tijaabinta gantaalada.
MAREYKANKA OO MUWAADINIINTIISA UGA DIGAY IN AY U SAFRAAN KENYA
Wadaaradda Arrimaha Dibadda Mar eykanka ayaa muwaadiniinta dalkeeda wa xa ay uga digtay in ay u safraan dalka Ke nya ka hor Doorashada Madaxtinimo ee dalka Kenya ka dhaceysa Bisha soo aad an ee October 17keeda.
Digniinta ay soo saartay Xukuumadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay suura galnimada rabshado hareeya Doora shada ku celiska ah ee Kenya Ka Dhacey sa. Xkumada Mareykanka ayaa si doo Kale sheegtay in Kooxahada danbiilayaa sha ay ka faa’ideysanayaan inta lagu gu do jiro Olo laha Doorashada in ay falal am ni daro geysan karaan.Muwaadiniinta Ma reykanka ee ku sugan gudaha Kenya ay aa sidoo Kale looga digay in ay u safraan Lix ismaamul Goboleed oo dhaca G/W/ Bari iyo G/Xeebta oo ay ku nool yihiin Mus limiinta Kenya. Ismaamuladaas ayaa wax aa ka mid ah Mandera, Wajir, Garissa Ta na River, Lamu iyo qeybo ka mid ismaam ulka Kilifi.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay si dhow ula soc daan Warbaahinta si ay xaalada ula jaan qaadaan. Digniinta ka soo baxday Wasaa radda Arimaha Dibada Mareykanka ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa iyadoo laga baqdin qabo rabshado hareeya Doorasha da Madaxti nimo oo ay ku loolami doonan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Isbaheysiga Nasa Mr. Raila Odinga.
DAB KHASAARO GEESTAY OO KA KACAY GURI KU YAALLA DEGMADA WADAJIR
Faah afahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab ka kac ay Guri ku yaala D/ Wadajir ee G/Ba naadir dabka as oo geestay kha saaro nafeed iyo mid han tiyeed inta ba.dab Sida ay sheegeen dadka goobta ku su gnaa in debkaan uu ka kacay Guri ka ag dhaw Xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hor muud ee degmadaasi Wadajir, isla marka a na ay ku geeroyootay oqf haweeney ah oo Gurigaas deganeyd. Sidoo kale debka ay aa sababay khasaaro hantiyeed, wax ana Goobta gaaray Gawaarida dab demi ska gobolka Banaadir kuwas oo ku guules tay in ay demiyan debkaas.
AMNESTY INTERNATIONAL”CIIDAMADA DOWL ADDA BURMA DAGAAL ISIR SIFEYN MUSLIMI INTA AH AYAY KA WADAAN DALKAASI”
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Am nesty International ayaa sheegtay inay he yo Cadeymo muuj ineyo In Ciidamada Do wladda Burna ay Howlgal isir sifeyn ah ka wadaan goobaha ay dagan yihiin Muslim iinta Rohingya ee dalkaasi Burma. Hay’ad da ayaa ku boorisay dowladdu Burma in ay furto go bolka Rakhine si ay u gaaraan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan.
Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ba llaaran oo u muuqda inuu yahay olole cad oo isir sifeyn ah. Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo la gu qaaday mobilke gacanta iyo hadalada ay sheegayaan dadka wali ku sugan My anmar ayaa muujiyay arrintaan.
Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidam mada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiin ta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guud ahaan. Ciidammada ayaa sheegay in ololahooda uu ku dhan yahay maleeshiy aadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka. XIGASHO BBC.
INKA BADAN 100 GABDHOOD OO BOKO HARAM AY SII DAYSAY OO DIB ULA MIDOOB AY QOYSASKOODII
Inka badan 100 Gabdhood oo ah "Chib ok girls”oo ay dhowaan sii daayeen ururka Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa dib ula midoobay qoysaskooda. Gabdhahan ayaa ka mid ahaa 276 gabdhood oo ay ururka Boko Haram afduubteen sanadkii 2014 ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay lagu ha yay xaru mo ku yaal caasimada dalka Nig eria halkaa oo lagu xanaaneynayay.
Wasiirka haweenka dalka Nigeria Ai sha Alhassan ayaa sheegtay in si wanaa gsan ay gabdhahan u soo kabteen laguna wareejiyay waalidkooda xaflad ka dhacd ay magaalada Abuja. Intabadan gab dhah an ayaa la sii daayay bishii May ee sanad kan kadib markii ay dowlada Nigeria oggol aatay inay ku bedelato shan ka mid ah dagaalyahanada Boko Haram.
Ms.Alhassan ayaa sheegtay in gabdha han ay waxbarashadooda sii wadan doo naan iyagoo wax ka baran doona mid ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee dalka Nigeria, American University of Ni geria, halkaa oo ay ka bilaabi doonaan waxbarasho gaar ah oo aasaasi.
Hase yeeshee waxaa gacanta ururka Boko Haram ku jira tiro ka badan boqol ha blood kuwaasoo laga afduubay Chibok. Balse wasiirka arrimaha haweenka Nige ria Aisha Alshassan ayaa rajo ka muu jis ay in wadahadal lagu sii deyn doono gab dhahaas. Ururka Boko Haram ayaa la ru meysan yahay inay afduub ku haystaan kumanaan haween ah kuwaasoo ay ka qa faaleen M/looyin ku yaal dalka Nige ria.
IMAARAADKA OO DHAQAALE UGU DEEQAYA SOOMAALIYA
Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta ($89.8 million), taasi oo uu she egay in uu uga qeyb qaadan doono hormarka ka socda Soo maaliya. Lacagtan uu Sanduu qa hormarinta Abu Dubai ugu deeqay So omaaliya ayaa waxa uu u jeedka ku shee gay inay tahay in ay si gaar ah ugu taage eraan dhismayaasha, kor u qaadida dhaq aalaha, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabo kale.
Sidoo kale Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in ay taageeraan sha cab ka iyo DFS, oo hada ku jira xaalado adag, loona baahan yahay in garab la siiyo. Mas uuliyiinta Sanduuqa ayaa shee gay in ma shaariic hormarineed ay horey uga fuliye en dalal badan oo ku yaalla Afrika, kuwaa si oo ku jira xaalada koriimada.
DFS OO JOOJISAY DIYAARAD QAADKA GEYN JIRTEY M/ JOWHAR
Wasaarada Ganacsiga iyo Warshada ha ayaa joojisay diyaarad khaadka geyn jirtey M/Jowhar iyadoo khaadka Dorraad Iyo shalay M/Jowhar laga qaaday M/Muq disho. Wasiir ku xigeenka W/Gan acsiga iyo Warshadaha XFS Maxa med Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xogha yaha Joog tada Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaa simaha guud C/hi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsa ta,si ay u hubiyaan dhaqangal ka go’aan adaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarista murano iyo khilaaf ka dhex jira.
Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeen ka W/Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta uga waramay go’aankaasi dhaqan galkiisa. "Waxaan Shalay u ima anay halkani in aan u kuurgalno Degr eeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin W/Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maali yadda, iyo cii damada Booliska qeybta qaa bilsan Canshuuraha,taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanaya in Muqdis ho iyo Shabeelooyinka ay yimaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqangalay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatay”, ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.
Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xu say in diyaaradii Khaadka gayn jirtay M/Jo whar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wada tashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaad ka la isku waafaqay in qoondo loo samee yo. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo War shadaha ayaa ugu baaqay ganacs atada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’ aanada ka soo baxay Wasaaradd a,isla markaana xusay in qofkii ka dhaga ade ega sharciga lala tiigsanayo.
AHLUSUNA OO KA HADASHAY CIIDAMO LA SHEEGAY IN LA GEEYAY DHUUSAMAREEB
Warbaahinta qaar ee dalka ayaa Dorraad tabiyay war sheegaya in Ciidamo ka tirsan Midowga Afri ka ee AMISOM la geeyay M/Dhuusamareeb ee G/Galgadu ud. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka G/dhexe ee Ahlusuna C/hi Xirsi Diirshe Daacad ayaa warbaahinta Risaala u she egay in ay been ab uur yihiin wararka shee gaya in Ciidamo AMISOM ah la geeyay M/Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay warkan in uu yahay xaaalad qaldan oo la abu uray, maamulka gobolada dhexena wark aasi uu u ark ayo mid dad gaar ah ay iska wadaan.
C/hi Xirsi Diirshe Daacad Madaxweyne ku xigeenka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa dhanka kale sheegay in uusan jirin wadahadal u socda maamulka Galmudug iyo Ahlusuna. "Waa be en abu ur in Ciidamo AMISOM ah la keenay Dhu usamareeb, horey waxaa Dhuusamare eb u joogay Ciidamadii Dowladdii hore ay keentay ilaa hada kuwaas aya jooga, ma jiraan wadahadal inoo socda anaga iyo Galmudug.” Ayuu yiri C/laahi Xirsi.
MD.C/WALI M.CALI GAAS AYAA SHALAY DIB UGU SOO LAABTAY M/BOSAASO
Madaxweynaha Puntland C/wali Max amed Cali Gaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay M/Bosaaso ka dib mudo todobaad yo ah oo uu ku maqnaa dalka Sacuudiga, halkasi oo uu ku soo gudanayay ac maasha xajka. "Muddo 3 isbuuc ka badan wa xaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo da lka Imaaraad ka oo aanu soosocodkayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaa nu u tagnay waxay ahayd gud ashadii waaj ibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay" ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta.
Mas'uuliyiinta madaxweynaha ku soo dhaweysay garoonka waxaa kamid aha gudoomiiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxa med Wacayso , W/Kaluumaysiga, wasiir ka duulista hawada iyo Garooma da iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Punt land. Madaxweynaha ayaa sheegay in saf ar gaaban ay ku soo mareen dalka Imaar aadka ,halkaasi oo ay kula kulmeen mad ax ka tirsan dowladda UAE, taasi oo bal anqaadyo dhowr ah horey ugu samaysay dowladda Somalia iyo maamulada ka dal ka ka jira. Ugu danbayn, waa markii ugu horeysay oo madaxweyne xil ka haya Pun tland uu soo xajiyo ,wa xaana ay tani ku soo beegm aysa xilli ammaanka qaybo ba dan oo ka mid ah Puntland uu soo hagaa gayay maal mihi la soo dhaafay.
W/DOWLAHA XAFIISKA R/W/HA OO SHIR CAALAMI AH UGA QEYB GALAYA D/SHINAHA
Wasiiru Dawlaha Xafiiska R/Wasaara ha J.F.S ayaa M/Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay ku lan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal oo looga had laayo la dagaalanka nabadguurka dunida.
Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo ka qeybgalay in ka badasn 30hey’adood ,iyadoo 2dii sanoba mar Q/M. ay diya ariso kulankaasi. Kulankaan oo bilowday 6dii Bishan ayaa Maalinta barri ah la soo gabagabeen doonaa ,waxaa looga doo day sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadg uurka ku yimaada dhulka.
W/Dawlaha Xafiiska R/wasaaraha J.F oo ka hadlay kulankaasi ayaa xaqiijiyay in dhibaatooyinka ka he ysta abaaraha ku soo noqnoqday Soomalya ay qeyb ka yih iin dhoofinta dhuxusha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeega asi.
Wasiiirku wuxuu qiray in Dawladda cu sub ay u heelan tahay sidii arrimaha naba ad guurka wax looga qaban lahaa isagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir ab uuris ah si ayuu yiri loo badbaad iyo nolol dhaqameedka reer miyiga. Intii uu socday kulankaasi Wasirku wuxuu si gaar gaar ah ula kul may madax ka kala socday Shiin ah,Kanada,Turkey,Ethiopia,K/Afrika,Esto nia iyo kuwa kale oo ka so cday hay’ado
QARAX KA DHACAY TAREEN DHULKA HOOS TIISA MARA EE M/LONDON
Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qa rax dhulka hoostiisa ka dhacay Koofur gal beed ee magaala da London, waxaana deg deg goobta ku gaaray ciidamada booliska iyo kalkaliyeyaasha caafimaadka.
Sawirro la soo qaaday ayaa waxaa ka muuqday baaldi cad oo holac ka baxayo, kaasoo u muuqda in waxyaabo qarxa lagu soo qariyay. Booliska ayaa baaraya waxy aabaha qarxa oo aanay geysan wa xyeelo aad u weyn, balse dadkii saarnaa tareen ka ayaa kala cararay, qaarkood waa ay is buurteen.
Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejign aan ku aadan qat arta kooxaha argagixisa da ka imaaneysa. Boosteejada tareenka ee k/galbeed London ayaa la xiray, hal kaasoo ciidamo fara badan la geeyay, wa li ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska.
AHLUSUNNA OO XIR XIRTAY ODAYAAL LA KULMAY ALSHABAAB
Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheega ya in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ay Xabsiga dhigeen Odayaal Shir kula yeeshay Alshabaab Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Odayaasha ay Xir Xireen Ahlusunna ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 7 Oday,kuwaas oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Magaalada Guriceel,waxaana ay ku xiran yihiin Mudo Saddex Cisho ah Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud.
Sababta Ahlusunna ay u Xirtay Odayaasha ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan Kulan ka dhexmaray Alshabaab iyo Odayaasha ay Xabsiga dhigeen Ahlusunna Waljamaaca.
Xiisad iyo Muran ka dhashay Xariga Odayaasha ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusam areeb oo ah Xarunta ugu weyn Maamulka Isku Magacaabay Gobollada Dhexe ee Ahlusunna.
Saraakiisha Ahlusunna weli kama hadlin Odayaasha u xiran oo ay ku Eedeeyeen in Alshabaab ay kula soo Kulmeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
QARAXYO ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY DEGMADA CEELWAAQ
Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaal xo ogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Ethopia iyo Alshabaab in uu haatan ka socdo Magaaladaas.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay afafka hore ee xerada Ciidamada Dowladda Somalia ay ku leeyihiin dhanka koonfureed ee magaalada.
Weerarka ismiidaaminta kadib dagaalyahano ka Tirsan Alshabaab oo ku diyaarsanaa goobta ayaa gudaha u galay Xerada kuwaa oo dagaal toos ahaa la galay Ciidamadii ku sugnaa xiradda.
Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qarax labaad laga maaqlay gudaha xiradda.
Xaaladda magaalada ayaa Saaka ah mid kacsan waxaana lasoo sheegayaa inaanu jirin isku socod iyo dhaqdhaqaaq toona oo ay sameynayaan dadka magaalada.
Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxyada iyo dagaalka lagu qaaday xerada Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Garbahaarey.
ASKAR KA TIRSAN CIIDAMADA DOWLADDA OO XALAY LAGU DILAY DEGMADA AFGOOYE
Koox Bastoo;ado ku Hubeysan ayaa Xalay Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dishay Suuqa Qaadka lagu iibiyo Ee Degmada Afgooye,waxaana ay dhaawaceen mid kale.
Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dilka ay Fuliyeen Dableey Bastoolado wada tay islamarkaana ay Dileen Labo Askari Midna Dhaawaceen.
Kooxda Dilka Fulisay ayaa horay u sii qaatay Qori ay wateen Labada Askari ee Xalay lagu dilay Su uqa Jaadka lagu iibiyo Ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan Afgooye ayaa Howlgallo Xariir ah Xalay illaa Saakay ka wa da Xaafadaha Magaalada Afgooye si ay Gacanta ugu soo dhigaan Kooxdii Falka Dilka ah Fulisay.
Hayeeshee ma jirto Cid ay weli u soo qabteen Dilka loo geystay Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Ee Xalay lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
MAGACYADDA MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA MAAMULKA HIRSHABEELLE
Magaalada Jowhar ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle , waxaana xilkaasi u taagan Musharaxiin badan oo isku beel ah.
LIISKA MURASHAXIINTA OO DHAMEYSTIRAN:
- Yusuf Hagar Dabageed
- Cabdi Faarax Laqanyo
- Daahir Cabdulle
- Maxamed Cabdi Waare
- Cabdinasir Shirwac Maxamed
- Maxamed Caruush
- Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
- Cabdikarim Cali Nuur
BOGGA CAYAARAHA
KAAMIROOYINKA OO SOO QABTAY DANI CARVAJAL OO KU KACAY FAL CUNSURINIMO AH!!!!
Daafaca Real Madrid Dani Carvajal ayaa lagu soo eedeeyay inuu fal cunsurinimo ku kacay kul ankii ay Real Madrid bar baraha la dhaafi waysay Levanta horyaalka La Liga sida ay sheegayaan war ar ka imaanaya Spain.
Mundo Deportivo ayaa qortay inay Kaamirooyinka soo qabteen daafaca reer Spain oo ku qeyl inaya "Daanyeer Xun”, oo uu ku oranayay xiddiga qadka dhexe ee Levante Jefferson Lerma.
Carvajal ayaa dhacdadan ku kacay qeybtii labaad ee ciyaarta, balse midkoodna ma maqlin gar sooraha ciyaarta iyo laacibka reer Clombia ee aflagaadada loo geystay.
25 jirka ayaa xaalad khatar ah wajihi kara haddii ay xiriirka FA dalka Spain dib u daawadaan muuqaalka maadaama laacibka horey loogu soo eedeeyay sheekadan oo kale
MARCELO OO KA HADLAY XIDDIGII UGU FIICNAA UU KA GARAB CIYAARO IYO KII UGU ADKAA UU KA HOR YIMAADO
Marcelo ayaa shalay heshiis waqti dheer oo ku eg ilaa 2022 qalinka ugu duugay kooxda Real Madrid.
Daafaca reer Brazil ayaa shirkiisa jaraa’id lagu waydiiyay xiddigihii ugu fiicnaa uu ka garab ciya aro iyo kuwii ugu adkaa uu ka horyimaado.
"Waxaan la soo ciyaaray xiddigo waa wayn sida Ronaldo, Ronaldinho, Ruud van Nistelrooy..
Tan ugu adkeyd ee la waydiiyo ayaa ahayd inuu doorto kii ugu fiicnaa uu ka soo garab ciyaaro.
"Laakiin maadaama aan waqti dheer tababarka la qaadanayay isla markaana aan baasas siinayay iyo dabaal degyada goolasha, waxaan dooran lahaa Cristiano Ronaldo.
Marcelo oo misane ka hadlaya laacibkii ugu adkaa uu ka horyimaado ama dhibka ugu badan uu ka maro raacashadiisa ayaa ku jawaabay:
"Kii ugu adkaa inaan joojiyo waxaan aaminsanahay inuu ahaa Neymar, kaa oo aan la ciyaaro xulka qaranka.”.
WAR KA FARXINAYA TAGAAREYAASHA UNITED OO KU SAABSAN ANTOINE GRIEZMANN OO LASOO BANDHIGAY
Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu lagu wara mayaa in kooxdiisu ay isku deyi doonto inay lasoo wareegto suuqa kala iibsigaan soo socdo weeraryahanka Naadiga Atletico Madrid, islamarkaana lagu magacaabo Antoine Griezmann.
Waa intaas lagu darayaa in sabab ay tahay inay u baahan tahay gooldhaliye kale oo dheeri ah, si uu tartan ugu furo kuwa uu haatan haysto oo kala ah Zlatan Ibrahimovih, Lukaku iyo Marcos Rashf ord, islamarkaana ay udhaqaaqi doonaan lasoo wareegitaankiisa Suuqa kala iibsiga Xagaaga ee bi sha Janaayo.
Isagoo la hadlay wariyaasha ayaa wuxuu intaas kusii daray maamualahaan udhashay dalka Portugal, inuu u baahan yahay gooldhaliyahaan sedex xilli ciyaareed ku dhaliyay 86 gool, waxaana uu biyo qabow ku shubay inay si raaxo leh ay ku celi karaan.
Naadigaan ka dhisan caasimada Spain ayaa waxaa anan la si fudud looga soo bixin karin gacmaheeda wiilkaan Dahabiga ah ee udhashay dalka Faransiiska, waxaana la filayaa in Red Devils ay miiska saarto aduun lacageed aad u badan oo ay ku qanci karto Naadiga iska leh.
England - Premier League September 16
14:30Crystal Palace ? - ? Southampton
17:00Huddersfield Town ? - ? Leicester City
17:00Liverpool ? - ? Burnley
17:00Newcastle United ? - ? Stoke City
17:00Watford ? - ? Manchester City
17:00West Bromwich Albion ? - ? West Ham United
Italy - Serie
SHABELLE RELIEF AND DEVELOPMENT
ORGANIZATION (SHARDO)
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:
SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 21 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada, iyo mashaariic kala duwan.
Ururka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan sida:-
1.Electric installation ( Koronta xirid)
2.Fish vendor (Kalluun-dubis)
SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:
Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)
Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2-da xirfadood waxaa laga rabaa sharoodahaan soo socda:-
·Waa in uu yahay Soomaali
·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir
·Waa in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood
·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhameysashada xirfada uu soo codsaday
·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo
·Waa in uusan wax dambi ah ka galin bulshada
·Waa in uu layimadaa qof damiin ah
·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto
·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta asaasiga ah
·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir
FIIRO GAAR AH:
Ø Barashada Korantada waxaa kaliya soo codsan kara RAGGA oo kaliya, halka Kallun-dubista oo ay soo codsan karaan Dumarka oo kaliya
Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.
Qofkii daneynaayo fursadahaas waa in uu layimaado 4 xabo sawir teestaro ah iyo gal ama fayl.
Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xafiiska SHARDO ay ku taalo degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.
Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 13-ka Bish September 2017 ilaa 23-ka September 2017. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.
Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran
061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993
ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA SABTEMBAR 2017-KA
QOYS REER JOWHAR AH OO DARYEEL CAAFI MAAD KA HELAY OLOLAHA DOORASHADA HIRSHABELLE Mid kamid ah musharaxiinta u tartamay sa doorashada Madaxweynaha dowlad G/Hirshabelle ayaa ololohiisa doorashada waxa uu ku biiriyay daryeel caafimaad oo qoys Soomaa