Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Guddi magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo

0
Saturday November 28, 2015 - 17:20:21 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Guddi magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar hal maalin uu ku tagay Cadaado iyo Garowe ayaa sheegay inuu Guddo u magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar hal maalin uu ku tagay Cadaado iyo Garowe ayaa sheegay inuu Guddo u magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa Cadaado iyo Garowe uu ahaa xalinta colaada ka taagan Gaalkacyo, waxaana uu xusay inuu la soo kulmay Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland.

"Labada Madaxweyne waxay iga ogolaadeen inay magaalada Gaalkacyo tagaan, si colaada loo joojiyo, in ciidamada la kala qaado, in dadkii barakacay la soo celiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Guddiga uu u magacaabay xalinta colaada ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, waxaana uu rajo ka muujiyay in la soo afjaro colaada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Garowe ugu soo tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo uu xusay inay tagi doonaan magaalada Gaalkacyo, si ay u sii wadaan dadaalada nabadeed

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay inay dib u fiirinayaan hab ciidamo lagu kala dhex dhigo labada dhinac, waxaana uu tibaaxay hadii labada ciidan ee is hor fadhiya la kala qaado ay baajin karto arrintaas.

Sidoo kale waxaa uu u mahad celiyay marwooyinka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo iyana xusay inay ka qeyb qaadanayaan dadaalada nabadeed, isla markaana ay tagayaan Gaalkacyo.

Dagaalo cusub oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna dagaaladan ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip