Hordhac: Manchester City vs Southampton: Labada Kooxood Oo Mid Walba Ay Dooneyso Iney Kasoo Kabato Guuldaradii Todobaadkii Hore
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Manchester City vs Southampton
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Pellegrini ayaa xaqiijiyay in David Silva uu kulanka maanta u safan doono Citizens lix todobaad kadib markii ugu horeysay ayeyna u noqoneysaa. Macalinkaan reer Chile ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Willy Cabalero uu kusoo bilabanayo goolka madama uu maqan yahay Joe Hart.
Zabaleta ayaa dhaawac ah wali iyadoo Bacary Sagna uu sii wadi doono inuu sii ciyaaro daafaca midig.
Mangala ayaa seegi doona kulankaan waxeyna ka dhigan tahay in Otamendi iyo Demichelis oo laba xidig oo Argentina ah ay daafaca City ku midoobi doonaan.
Dhanka kale Southampton waxaa ganaaxa kaga maqan gooldhaliyahooda ugu sareeya Graziano Pelle kaas oo hal kulan la ganaaxay.
Jay Rodriguez ayaa sidoo kale dhaawac kaga maqan Saint, halka Mane iyo Long ay weerarka ku midoobi doonaan.
MA OGTAHAY?
Manchester City sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kooxdaan la kulanto si xiriir ah ayey u garaacday.
Guusha kaliya oo ay Southampton ka gaartay dhigeeda Saint 10-kii sano ee ugu dambeysay waxey timid 2013 markaasna kooxdii uu hogaaminayay Pochettino ayaa 3-1 ku dubatay wiilashii Roberto Mancini kulan ak dhacay St Merry.
Manchester City:
Caballero; Sagna, Demichelis, Otamendi, Kolarov; Toure, Fernando; Silva, De Bruyne, Sterling; Aguero
Southampton:
Stekenlenburg; Soares, Van Dijk, Fonte, Bertrand; Wanyama, Davis, Clasie, Tadic; Long, Mane
Hordhac: Manchester City vs Southampton: Labada Kooxood Oo Mid Walba Ay Dooneyso Iney Kasoo Kabato Guuldaradii Todobaadkii Hore
Labadaan kooxood waxey dareemayaan xanuuno isku mid ah madama todobaadkii lasoo dhaafay ay mid walba la kulantay guuldaro, Manchester City waxaa gurigeeda ku xasuuqay Liverpool oo 1-4 ku dubatay halka Southampton ay 0-1 uga badisay Stoke City.