Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo sharciga darbiga Kenya
Kulanka maanta oo ah mid aan caadi aheyn ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa loogu akhrin doonaa sharcigaas oo maalmihii u dambeeyay lagu mashquulsanaa diyaarintiisa.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Hab-dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta Xildhibaanada loogu qeybin doono sharciga darbiga Kenya oo ay soo diyaariyeen Guddiyada arrimaha dibadda iyo Gudaha ee Baarlamaanka.
"Kulanka maanta ee Baarlamaanka waxaa Xildhibaanada loogu qeybin doonaa sharciga darbiga Kenya oo beryahan lagu mashquulsanaa diyaarintiisa, waxaa soo diyaariyay Guddiga arrimaha dibada iyo arrimaha gudaha, akhrinta koowaad ayaa la guda geli doonaaā€¯ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Dhowaan ayay aheyd markii Guddi uu hogaaminayay Wasiirka Difaaca ay tageen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay sheegeen in aysan ku soo arkin calaamado muujinaya darbiga ay Kenya halkaas ka dhiseyso.
Kenya ayaa horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hor-tagto weerarada uga imaanaya Al-Shabaab, waxaana tallaabadaas si aad ah uga soo horjeestay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah madax banaanida.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo sharciga darbiga Kenya
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta loo qeybin doonaa sharciga darbiga Kenya ay dooneyso inay ka dhisto xuduuda Soomaaliya, iyadoo arrintan Xildhibaanada ay aad uga soo horjeesteen.