Bannaanbax ka dhan ah Ruushka oo ka dhacay Magaalada Istanbul (SAWIRRO)

0
Saturday November 28, 2015 - 09:39:56 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbax ka dhan ah Ruushka oo ka dhacay Magaalada Istanbul (SAWIRRO)

    Boqolaal ka mid ah shacabka Turkiga, ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib waxay bannaanbax ka dhigeen Magaalada Istanbul, ka dib xiisadda cakiran ee labada dal soo kala dhex-gashay maalintii Talaadada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal ka mid ah shacabka Turkiga, ayaa Salaaddii Jimcaha ka dib waxay bannaanbax ka dhigeen Magaalada Istanbul, ka dib xiisadda cakiran ee labada dal soo kala dhex-gashay maalintii Talaadada.

Bannaanbaxayaasha oo watay sawirada Madaxweyne Vladimir Putin iyo Calanka Suuriya, ayaa ku qaylinaayay ereyo kul kulul oo ka dhan ah Xukuumadda Moscow, weerarada ay ka wado dalkaasi Suuriya.

Xiisad weyn, ayaa soo kala dhex-gashay Ruushka iyo Turkiga, tan iyo markii ay Ciidanka Cirka Turkiga dhulka soo dhigeen mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka.

Turkiga & Ruushka, ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ballaaran oo xagga dhaqaalaha ah, wuxuuna xiriirkaasi uu hadda u muuqdaa mid sii xumaanaaya. Ruushku wuxuu joojiyay ganacsigii kaga imaanaayay Turkiga.

Ruushka waa dalka labaad ee ganacsiga ugu ballaaran la leh Turkiga, waxayna Xukuumadda Moscow ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku ciqaabeyso Turkiga, balse waxay bidhaamisay inaanay diyaar u ahayn dagaal ka dhan ah Xukuumadda Ankara.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka, ayaa Khamiistii Dowladda Turkiga weydiistay in raaligelin ay ka bixiso tallaabada, ay ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale Khamiistii diiday in wax raaligelin ihi uu ka bixiyo soo ridista diyaaradaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Ruushku uu ku ciyaaraayo dab, marka aad milicsato waxa uu ka wado dalka Suuriya.

Istanbul Istanbul1 Istanbul2 Istanbul3 Istanbul4Istanbul5 Istanbul6 Istanbul7 Pro-Islamist demonstrators set fire on a defaced poster of Russia's President Putin during an anti-Russian protest in Istanbul, Turkey





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip