Ruushka oo ku dhawaaqay in uu joojiyay fiiso la'aanta ay dadka Turkiga ku yimaadaan dalkiisa
Qoraalka waxaa kaloo lagu cadeeyay in Ruushku uu joojinaayo dhammaanba ganacsiga kaga yimaada dalkaasi Turkiga, si jawaab looga dhigo burburintii diyaaradooda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin kale oo dheeraad ah, si buu yiri Turkiga loo ciqaabo, oo ka tallaabay buu yiri xad kasta oo macquul ah.
Sanadkii 2014-ka, ayaa waxaa dalka Turkiga dalxiis ahaan u tagey in ka badan saddex milyan oo Ruushka u dhashay, wuxuuna Turkigu ka faa’iiday mallaayiin dollarka Mareykanka ah. Ruushku wuxuu amray inaanay dadkiisu u dalxiis taggi karin Turkiga.
Ruushka, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga carooday diyaaraddii uu Talaadadii ka soo riday Turkiga, waxayna bilaabeen tallaabooyin ka dhan ah Xukuumadda Ankara.
Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka, ayaa Khamiistii Dowladda Turkiga weydiistay in raaligelin ay ka bixiso tallaabada, ay ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale Khamiistii diiday in wax raaligelin ihi uu ka bixiyo soo ridista diyaaradaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Ruushku uu ku ciyaaraayo dab, marka aad milicsato waxa uu ka wado dalka Suuriya.
Ruushka oo ku dhawaaqay in uu joojiyay fiiso la'aanta ay dadka Turkiga ku yimaadaan dalkiisa
Dowladda Ruushka, ayaa waxay iclaamisay inay joojinayso fiiso la'aantii ay dadka Turkiga ku imaanayeen dalkaasi, iyadoona ay tani bilaaban doonto bisha January ee sanadka soo socda.