
Saddex nin oo Falastiinyiin ahaa oo lagu dilay Daanta Galbeed (Daawo Sawirada)
Nin kale oo gaari watay, ayaa askar kale oo Israeliyiin ahaa ku jiirsiiyay Magaalada Qudus, xilli ay wadada ku lugeynayeen, waxaana ku dhaawacantay tiro Israeli ah, iyadoona la toogtay ninkii gaariga jiirsiiyay.
Booliska Israel, ayaa nin kale waxay ku toogteen meel ku dhow xero qaxooti oo ku taala Magaalada Al-Khalil (Hebron), xilli Boolisku ay ka wadeen hawlgal ay ku raadinayeen maleeshiyaad iyo hub. Boolisku waxay ka caroodeen bambaanooyinka dhalooyinka laga sameeyo oo lagu soo tuuray.
Warbaahinta Israel, ayaa tebisay in sideed ka mid ah Ciidanka Israel lagu dhaawacay laba weerar oo gaari loo adeegsaday, oo ka dhacay Daanta Galbeed.
Wasiirka Difaaca Maamulka Israel, Moshe Ya’alon, ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso weeraro joogto ihi, oo kaga imaanaaya waxa uu ugu yeeray argagaxisada.
Sarkaal u hadlay Booliska Israel, ayaa sheegay in ay gacan adag ku wajahayaan argagaxisada, oo uu ku eedeeyay inay wadaan weeraro ka dhan ah Yahuudda.
Xiisadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israel oo bilaabatay dhammaadkii bishii September, ayaa waxaa lagu dilay 96 Falastiiniyiin iyo 19 Israeliyiin ah.
Saddex nin oo Falastiinyiin ahaa oo lagu dilay Daanta Galbeed (Daawo Sawirada)
Ciidanka Israel, ayaa Jimcihii siyaabooyin kala gedisan u dilay saddex nin oo Falastiiniyiin ah, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda mudada labada bilood ka badan ee ka jirta dhulka shacabka reer Falastiin, balse ay Yahuuddu xoogga ku haysato.