
Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo dagaal culus ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Baardheere
Waxaa bar-bar socday dagaalka madaafiic qaarkood la xaqiijiyay inay u gudbeen xaafado dad shacab ah deggan yihiin Magaalada Baardheere gudaheeda.
Khasaaraha guud ee dagaalkii xalay ka dhashay weli lama ogaan inta uu la eeg yahay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro Khasaaro ka dhashay dagaalkaasi oo dadka shacabka ah soo gaaray, maadaama rasaasta haboowga ay xaafada qaar ugu tagtay dadka.
Amisom iyo Saraakiisha ciidamada Dowladda Degmada Baardheere, weli kama aysan hadlin dagaalkaan xalay Shabaabka ay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere.
Dhanka Shabaab weli war kama soo saarin dagaalka, hayeeshe waxaa saaka degan Xaalada Magaalada Baardheere, laakiin dadka ayaa hadal haayo dhawaqa rasaasta culus ee xalay ay maqlayeen.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa la soo warinayaa inay howlgalo ka wadaan duleedka Degmada Baardheere.
Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo dagaal culus ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Baardheere
Xoogaga Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana Garoonka fariisin ku leh ciidamada Itoobiya ee howlgalka Amisom ka tirsan.