
Madaxweyne Erdogan oo doonaayo in uu la kulmo Madaxweynaha Ruushka
Madaxweynaha Turkiga, ayaa doonaayo in uu wax ka qabto khilaafka xargaha goystay, ee ka dhex tolan Xukuumadaha Ankara & Moscow, si dib loogu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee labada dhinac.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in uu daneynaayo in Madaxweynaha Ruushka, ay dhawaan isku arkaan shirka cilimada caalamka looga hadlaayo, ee lagu wado in uu ka qabsoomo Magaalada Paris.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa Jimcihii cadeeyay in Turkigu uu doonaayo in aanu xumaan xiriirka kala dhaxeeya Ruushka, isla-markaana uu hadafkoodu yahay in xiriir wanaagsan la yeeshaan Moscow.
Turkiga & Ruushka, ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ballaaran oo dhinaca ganacsiga ah, wuxuuna xiriirkaasi uu hadda u muuqdaa mid sii xumaanaaya. Ruushku wuxuu joojiyay ganacsigii kaga imaanaayay Turkiga.
Ruushka, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga carooday diyaaraddii uu Talaadadii ka soo riday Turkiga, waxayna bilaabeen tallaabooyin ka dhan ah Xukuumadda Ankara.
Ruushka waa dalka labaad ee ganacsiga ugu ballaaran la leh Turkiga, waxayna Xukuumadda Moscow ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku ciqaabeyso Turkiga, balse waxay bidhaamisay inaanay diyaar u ahayn dagaal ka dhan ah Xukuumadda Ankara.
Madaxweyne Erdogan oo doonaayo in uu la kulmo Madaxweynaha Ruushka
Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu doonaayo inuu la kulmo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si ay kaga wada hadlaan khilaafka soo kala dhexgalay labada dal.