
Afar ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Buulo burde
Iyadoo xalay saddexdaasi ruux la dilay, ayaa saaka aroortii Bartamaha Magaalada Buulo burde waxaa lagu dilay nin kale oo dilkiisa loo sababeeyay arimaha aanooyinka qabiilka ah, waxaana dilka ruuxaan uu daba joogaa saddexda ruux ee xalay la dilay.
Duqa Degmada Buulo burde Cismaan Geedi Raagge, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilalka ku saleysan falalka aanooyinka qabiilka ah ee ka dhacay Degmada Buulo burde iyo nawaaxigeeda.
Cismaan Geedi Raagge, ayaa sheegay ciidamada Amisom iyo Maamulka Degmada inay baarayaan dilalkaan qorsheysan iyo waxa salka ay ku hayso, iyadoo Maamulka uu ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa arimahaasi.
Si dhab ah looma oga waxyaabaha uu salka ku haayo dilalkaan aanooyinka qabiilka ah ee ka soo cusboonaday Degmada Buulo burde oo ah Degmo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
Magaalada Buulo burde dadka ku nool ayaa si aad ah u hadal haaya dilalkaan qorsheysan ee qabiilka ku saleysan, waxaana Magaalada ka jirta cabsi la xiriirta dilal hor leh oo dhaca.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Afar ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Buulo burde
Dilal kala duwan ayaa siyaabooyin kala gedisan uga dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan iyo deeganada ku xeeran, waxaana dilalkaan ay salka ku hayaan falal aargoosi ku saleysan aanooyin qabiil.