
Ra'iisal Wasaaraha Somaliya iyo C/weli Gaas oo Saxaafadda kula hadlay Garoowe (SAWIRRO)
Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inay iyagu soo dhaweynayaan dadaalada nabadeed, ee lagu doonaayo in looga gudbo inaanu soo noqon dagaal dambe oo ka dhaca Xarunta Gobolka Mudug, isla-markaana ay diyaar u yihiin wixii wanaag oo Soomaalinimo ah.
C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay diyaar u tahay deris wanaag iyo nabad ku wada noolaasho shacabka ka soo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo.
C/weli Gaas, ayaa waxa kaloo uu sheegay in Puntland ay dulqaad badan muujisay, iyadoo hoobiye dadkeeda lagu garaacay, isla-markaana ay ogtahay inaanay waxba ka dheefeen, haddii ay qaado tallaabo ay ku dhibaateynayso shacab aan waxba galabsan.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa dhinaciisa sheegay in Magaalada Garoowe ay u taggeen, sidii lagu dejin lahaa xiisadda ka aloosan Magaalada Gaalkacyo iyo sidii xal waara loogu heli lahaa nabadda Gaalkacyo.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa soo hadalqaaday in Magaalada Cadaado ay isu arkayn Madaxda Galmudug, isla-markaana ay soo dhaweeyeen dadaalada ay ugu jiraan, sidii lagu soo afjari lahaa xiisadda Gaalkacyo.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa bidhaamiyay in afar qodob ay u yimaadeen Magaalada Garoowe, kuwaa oo kala ah:- Joojinta colaad haddii af iyo gacan ka hadalba ahaan laheyd, sidii looga hortaggi lahaa in dagaal uu dhaco, ciidamadana loo kala qaadi lahaa, sidii loo soo celin lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Gaalkacyo iyo in la sameeyo Guddi isku dhaf ah, oo guda gala waxyaabihii dhacay iyo sidii xal loogu heli lahaa.
Sharmaarke iyo Gaas, ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo saaraan qodobo ay ku mideysan yihiin, marka ay soo gaba gabeeyaan wada hadalada kaga bilowday Magaalada Garoowe.
Ra'iisal Wasaaraha Somaliya iyo C/weli Gaas oo Saxaafadda kula hadlay Garoowe (SAWIRRO)
Ka dib markii Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wefdi uu hogaaminaayo, ay Jimcihii gaareen Magaalada Garoowe, ayaa waxaa si wada jir ah Saxaafadda ula hadlay Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland, C/wel