
DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo saaka dib uga qarxay Gaalkacyo
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka uu ka qarxay Suuq lagu magacaabo Darxumo oo kala qeybiya labada maamul, waxaana goob joogayaal ay sheegayaan in dagaalka uu yimid markii ciidamada Puntland gudaha u soo galeen suuqaas, isla markaana ay doonayeen inay fariisimo ka sameystaan.
Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayaan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, isla matkaana ku fido xaafadaha kale.
Ciidamada labada dhinac ayaa is hor-fadhiyay tan iyo maalintii axadii ee la soo dhaafay, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in lagu kala qaado ciidamada, iyadoo labada Maamul Puntland iyo Galmudug ay ciidamo fara badan ku soo daabulayeen magaalada.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada barakac aad u ballaaran oo ay sameynayeen qoysaska kukala nool koofurta iyo waqooyiga magaalada, iyagoo ka cabsi qabay inay lagu dul dagaalamo.
Dagaalkan saaka dib uga qarxay Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ay xalay wada hadalo kula yeesheen Garowe Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, iyagoo ka wada hadlay sidii xiisada loo qaboojin lahaa, ciidamadana loo kala qaadi lahaa, labada maamulna ay nabada qaataan.
DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo saaka dib uga qarxay Gaalkacyo
Dagaal u dhaxeeya ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka dib uga qarxay magaaladaas, kadib markii odayaashii ku howlanaa waan waantii maalmahan socotay ay ku dhawaaqeen inay bur bureen wada hadaladaas socday ee xalka loog