
Doonyo gargaar lagu gaarsiiyay tuulooyinkii fatahaadaha saameeyeen ee Sh/Dhexe (Sawirro)
Hey’adda Gift of the Givers ayaa howlgalkii ugu horeyay waxaa ay ka saameysay Tuulada Magaay oo ah Tuulo aysan iminka suragal ahayn in lagu gaaro gadiidka dhulka, balse Hay`addu halkaasi gar-gaarkii ay waday ku gaarsiiyeen Doonyo.
Dadka Tuulada ayaa loo fidiyay adeeg Caafimaad oo isugu jiray mid baaris iyo daaweyn, iyadoo dhinaca kale ay barbar socotay qeybinta agab ay ka mid yahiin Jawaano dhowr kun ah, Maro- Kaneeco, Xarar, Kubeertooyin, Maacuun iyo Bacaha Roobka lagaga dugaashado.
Xamdi Cali Axmed Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Gobolka Shabeelada Dhexe oo safarkan ku wehlisay ayaa Gift of the Givers ku amaantay dadaalka dheerida ah ee ay u galeen sida ay Dadka tabaaleysan ee degan meelaha fog isla markaana ay aad u adkeyd in gargaar la gaarsiiyo, waxay ku boorisay Hay`adda GOTG inay mar walba dadaalkooda halkiisa ka sii wadaan isla markaana il gaar ah ay ku hayaan Bulshada ku nool Gobolka Shabeelada Dhexe.
Dhinaca kale Madaxa Logistic-da Koonfurta Soomaaliya ee Hay`adda Gift of the Givers Saciid Ibraahim Xuseen [BUUNA] ayaa tibaaxay in tani ay jawaab u ahayd Qiimeyn (Assessment) ay ku sameeyeen Tuulooyin ka tirsan Gobolka oo ay Fataahadaha saameeyeen muddo bil gudahoodna ay ka bixiyeen jawaab deg deg ah isla-markaan qorshahoodu uu yahay si la mid ah Tuulada Maagaay in ay gaarsiiyaan gar-gaar kala duwan dhamaan meelihii ay fatahaaduhu saameeyeen.
Ma`aha markii ugu horeysay ee Hay`adda Gift of Givers howlo samafal ka fuliso gobolka Shabeelada dhexe, waxaana lagu tilmaamaa Hay`adda keliya ee inta badan u gurmata goobaha masiibooyinka dabiiciga ka dhacaan, waxaana muddo lix sano ku dhow gargaar baaxad leh u fidisay ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho iyo gobolada dalka oo dhan.
Doonyo gargaar lagu gaarsiiyay tuulooyinkii fatahaadaha saameeyeen ee Sh/Dhexe (Sawirro)
Hey'adda Gift of the Givers oo ka shaqeysa howlaha samafalka iyo Gurmadka Deg-dega ayaa gar-gaar kala duwan oo isugu jira mid caafimaad iyo agab kale waxay ay gaarsiiyeen Tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe oo ay saameeyeen Fatahaadihii