
Boqor Burhaan oo farriin degdeg ah ka soo saaray xiisadda ka jirta gobolka Mudug
Muuqaal laga soo duubay Boqor Burhaan ayuu ku sheegay in maalmahaan ay isa soo tarayeen dagaallo iyo colaado ka soo cusboonaaday gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, taasi oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
"Waxaan leeyahay dadka ku nool gobolka Mudug maslaxadda danteenu waxay ku jirtaa nabadda iyo Kheyrka, way nagu filan tahay 25-sano oo Soomaali dhiig iska daadineysay” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse oo nasiib darro ku tilmaamay in dib loogu laabto wixii horay loo soo maray.
Boqorka ayaa ku booriyay dhammaanba waxgaradka, isimada, cuqaasha, culumaa’udiinka iyo qeybaha gobolka Mudug degan inay xooga saaraan sidii loo joojin lahaa colaada Gaalkacyo oo uu sheegay inaysan ku jirin wax dan.
Dhinaca kale Boqor Burhaan ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay ku dadaalaan nabadda gobolka Mudug, isla markaana dadka rayidka ah u horseedaan nabad, wuxuuna Alle uga baryay guud ahaan Soomaalida inuu Alle siiyo dowlad caadil ah oo dib u soo celisa sharciga iyo kala dambeynta.
Boqor Burhaan oo farriin degdeg ah ka soo saaray xiisadda ka jirta gobolka Mudug
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Isimada gobolka W/Bari ee Puntland ayaa goor dhow soo saaray farriin degdeg ah oo u diray qeybaha kala duwan ee waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug, wuxuuna baaq gaar ah u jeediyay maamulada Puntland iyo Galmudug