
Kulan looga hadlayay xuquuqda caruurta oo lagu qabtay Muqdisho
Kulanka ayaa looga arinsanayey heshiis ku saabsan xaquuqda carruurta
oo ay dowlada federalka Soomaaliya dhawaan saxiixday ayaa waxa goob
joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka culumaa’udiin iyo
haween ka kala socday ururada bulshada rayidka, iyadoo leys dhaafsaday
talooyin ku qotoma heshiiska ku saabsan xuquuqda carruurta
Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sh. Yuusuf Cali Ceynte oo ka qeybgalay kulankaasi aya sheegay in uu ahmiyada weyn le yahay heshiiska xaquuqda carruurta ee ay ansixisay dowladda Soomaliya, kaas oo wax badan ku soo kordhinayo dhowrista xuquuqda carruurta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa sharaxay u jeedka kulanka, isagoo sheegay in loo baahan yahay in caruurta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay lee yihiin si loo helo ubad tarbiyeeysan.
Gaba gabadi barnaamijka ayaaq waxa soo xiray xildhibaan Sahra Cabdulqaadir iyo xildhibaan Raabaco Sh. Nuur oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo xusay in heshiiskani uu yahay mid loo bahan yahay in lagu dhaqmo, islamarkaana ay caruurtu hesho xuquuqda ay ku leeeyihin waalidka iyo dalka bulshadana laga doonayo in ay waajib iska saaraan caruurta ku dayacan gudaha dalka.
Kowdi janaury e sanadkan ayey aheyd marki ay dowlada soomaaliya saxiixday heshiiskan ku saabsan xaquuqda carruurta waxaana u heshiiskani ujeedkiisu yahay sidi carruurta soomaaliyeed ay ula mid noqon la haayeen dhanka xuquuqda carruurta kale ee ku nool dunida.
Kulan looga hadlayay xuquuqda caruurta oo lagu qabtay Muqdisho
Kulankan looga hadlay sare u qaadidda xuquuqda caruunta ayna ka qeybgaleen xubno ka socday ururada bulshada, mas'uuliyiin iyo culumaa'udiin Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.