Al-Shabaab oo soo dhoweysay weeraradii lagu qaaday Paris iyo Bamako

0
Friday November 27, 2015 - 20:09:19 in Wararka by
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo soo dhoweysay weeraradii lagu qaaday Paris iyo Bamako

    Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa bogaadisay ayaa markii u horeysay soo dhoweysay weeraradii lagu qaaday magaalooyinka Paris ee dalka Faransiiska iyo Bamako ee dalka Mali. Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarada Paris iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa bogaadisay ayaa markii u horeysay soo dhoweysay weeraradii lagu qaaday magaalooyinka Paris ee dalka Faransiiska iyo Bamako ee dalka Mali. Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarada Paris iyo Bamako uu ahaa mid ciqaab u ah dambiyada dadka Muslimiinta u geysanayaan reer Galbeedka

"Anagoo ah Mujaahidiinta Soomaaliya waxaa soo dhweyneynaa weeraradii Paris iyo Bamako, Hogaamiyeyaasha reer Galbeedka waxay ku mideysan yihiin dagaalka naga dhanka ah”ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale Bayaanka ayaa lagu sheegay in duulaanka bahalnimada ah ee ay soo qaadeen Ruushka, Mareykanka iyo xulafadiisa sida Faransiiska uu ka turjmayo heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka cadawga ku gaaray weeraradii Paris iyo Bamako, waxaana lagu tilmaamay in weeraradaas ay qaboojiyeen quluubta Muslimiinta sida lagu yiri Bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Faransiiska uu gumaad iyo gabood-fallo ka geysto dalalka Muslimiinta, sida Algeria, Bosnia, Afghanistan, Afrikada Dhexe ilaa Falastiin oo ay taageero ula garab taagan yihiin Yuhuuda xooga ku heysata Masjid Al-Aqsa.

Waxaa lagu yiri Bayaan "Weerarada Muslimiintu ay ka geysanayaan dhulka faransiiska waa ay sii socon doonaan”

Weeraradii Paris lagu qaaday waxaa sheegatay mas’uuliyadeeda Daacish, halka weerarkii todobaad ka hor lagu qaaday Hotel ku yaalla Caasimada Bamako ee Mali ay sheegatay Koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Ugu dambeyn bayaanka ayaa lagu xusay in Xarakada Al-Shabaab ay farxad iyo reyn-reyn la wadaagayaan dhamaan umadda Muslimiinta ee la dhacsan guulaha wiilashooda ay ka soo hoyeen weeraradii Paris iyo Bamako, kuwaasoo dhiigooda ku qoray baal dahab ah oo ay taariikhda xusi doonto.

xigasho: jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip