Intaas kadib Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa dhageystay Warbixinta Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka , waxaana Baarlamaanka ka hor jeedisay Guddoomiyaha Guddigaasi Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey ) waxaana ay sheegtay in caqabado badan xilligaan ay ku hor gudban yihiin howsha Guddiga doorashooyinka kuwaas oo ay ka mid tahay in guddiga doorashooyinka Madaxa banaan aan loo qoondeyn illaa iyo iminka wax Miisaaniyad uu ku howlgalo .

Gabagabadii Kulanka ayaa Guddoonka sare ee Baarlamaanka waxa uu u yeeray Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kaas oo wax laga weydiin doono ka hor imaanshihiisa go’aankii Baarlamaanka ee xil heynta Xubnaha Baarlamaanka iyo buuxinta Kuraasta banaan.

Waa Kulankii 5aad ee Kalfadhiga 2aad Baarlamaanka ay ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho iyadoona ay soo xaadireen 165 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.