Madaxweynaha Turkiga oo diiday inay raalli gelin ka bixiyaan diyaaradii ay soo rideen

0
Friday November 27, 2015 - 20:07:02 in Wararka by
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo diiday inay raalli gelin ka bixiyaan diyaaradii ay soo rideen

    Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyib Erdogan ayaa diiday dalabka ka soo yeeray Madaxweynaha Ruushka ee ahaa inay raalli gelin ka bixiyaan diyaaradii ay soo rideen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyib Erdogan ayaa diiday dalabka ka soo yeeray Madaxweynaha Ruushka ee ahaa inay raalli gelin ka bixiyaan diyaaradii ay soo rideen.

Erdogan oo la hadlayay Telefishinka France 24 ayaa sheegay in aysan wax raalli gelin ah ka bixineyn xadgudubka lagu sameeyay hawadooda, ayna xaq u leeyihiin inay difaacaan madax banaanidooda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in aanay ka war heyn diyaarada ay soo rideen Ruushka markii ay hawadooda ku soo xadgudubtay, hadii ay ogaan lahaayeen ay ka duwanaan laheyd digniinta ay siiyeen.

"Hadii aan ogaan laheyn inay tahay diyaarad uu Ruushka leeyahay, waxaa laga yaabaa inaan siin laheyn digniin ka duwan tii aan siinay”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa si kulul uga fal celiyay hadalkii Madaxweynaha Turkiga, isagoo sheegay in Turkiga ay ogaayeen in diyaarada ay soo rideen inay aheyd diyaarad Ruush ah, isla markaana Mareykanka oo xulufo la ah ay ku war geliyeen.

"Horay ayaa ugu wargelinay Isbaheysiga Mareykanka hogaamiyo wey ogaayeen meelaha iyo waqtiga ay ka howl galeysay diyaaradaheena”ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Putin ayaa sheegay in Mareykanka uu ka war haayo diyaaradooda, isla markaana Isbaheysiga Mareykanka hogaamiyo ay ogaayeen halka diyaaradooda ku socotay iyo goobaha ay ka howl galeysay.

Xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Turkiga ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysaneysa, waxaana Ruushka uu mamnuucay dhamaan waxyaabaha ganacsi ee uga yimaada Turkiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip