
Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo galabta gaaray magaalada Garowe (Sawirro)
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo kicitimay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, halkaasoo markii uu maanta duhurkii tagay la kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kuxigeenkiisa iyo Mas’uuliyiinta kale.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa salka ku haya xal u helida xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada dadaalo nabadeed oo ay Xukuumadiisa dooneyso inay xal kaga gaarto xiisada colaadeed ee ka taagan Gaalkacyo, sidii labada Maamul ay heshiis nabadeed u gaari lahaayeen.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Garowe, halkaasoo saacada soo socda ay wada hadal ku yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Puntland.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo hadal kooban siiyay warbaahinta markii uu Ra’iisul Wasaaruhu gaaray Garowe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana uu xusay in mar kasta Puntland diyaar u tahay ka shaqeynta Nabada iyo wada noolaanshaha shacabka ku nool Puntland.
Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in dagaalkii ka bilowday Gaalkacyo uu ka dhashay wado laami ah oo 130-M oo laga dhisayay xaafada Garsoor oo ah dhul ay Puntland xukunto balse weerar ku soo qaadeen maleeshiyo ka soo jeeda Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisa Garowe uu salka ku haayo afar qodob oo kala ah sidii loo kala qaadi lahaa ciidanka isku hor fadhiya Gaalkacyo, sidii magaalada loogu soo celin lahaa qoysaskii ka barakacay, in wada hadalo la furo iyo in gudo loo magacaabo xal u helida xiisada.
Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in in xal waara laga gaari doono xaalada magaalada Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay inay tahay meelihii calanka Soomaaliya iyo dowladnimada lagu aas aasay.
Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo maalintii Axadii ee la soo dhaafay, waxaana dagaaladaas ay geysteen dhimasho iyo dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyadeed, iyadoo wali magaalada ay ka jirto xiisad, maadaama labadii dhinac ee dagaalamay ay is hor fadhiyaan.
Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo galabta gaaray magaalada Garowe (Sawirro)
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, iyadoo garoonka diyaaradaha Garowe ay ku soo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntand, kuxigeenkiisa, Wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne kale.