MAQAAL: Kadib Liiska 55 ka Ciyaartoy Ee Ay FIFA Soo Saartay Ee Kooxda Aduunka Ugu Fiican,Kooxaha Horyaalka Ingiriiska Oo Liiskan Ku Leh Tiro Ka Yar Inta Ay Real Madrid Iyo Bayern Munich Heleen, Matayadii Ciyaartoyda PL Ayaa Luntay?

0
Thursday November 26, 2015 - 20:04:43 in Sports News by
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: Kadib Liiska 55 ka Ciyaartoy Ee Ay FIFA Soo Saartay Ee Kooxda Aduunka Ugu Fiican,Kooxaha Horyaalka Ingiriiska Oo Liiskan Ku Leh Tiro Ka Yar Inta Ay Real Madrid Iyo Bayern Munich Heleen, Matayadii Ciyaartoyda PL Ayaa Luntay?

    Waxaanu warbixintii hore idiinku soo gudbinay 55 ka ciyaartoy ee sanadkan u tartami doona shaxda kooxda aduunka ugu fiican eeFIFA FIFPro World XI 2015 taas oo horaanta sanadka cusub lagu dhawaaqi doono shaxda kooxda aduunka ugu fiican.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu warbixintii hore idiinku soo gudbinay 55 ka ciyaartoy ee sanadkan u tartami doona shaxda kooxda aduunka ugu fiican eeFIFA FIFPro World XI 2015 taas oo horaanta sanadka cusub lagu dhawaaqi doono shaxda kooxda aduunka ugu fiican.

Waxaan warbixinta hore ku soo xusnay in kooxaha Real Madrid, Bayern Munich iyo Barcelona ay yihiin kooxaha tirada ugu badan liiskan ku leh, laakiin waxaa wax lala yaabo ah in koox kaliya ay liiskan ka heshay in ka badan ciyaartoyda guud ahaaneed ee uu helay horyaalka Ingiriisku.

Premier Leaque

Premier Leaque2

Barcelona ayaa liiskan ka heshay 10 ciyaartoy, Bayern Munich ayaa iyaduna ka heshay 11 ciyaartoy halka Real Madrid ay liiskan ka haysato 12 ciyaartoy. Guud ahaan kooxaha horyaalka Ingiriiska ayaa liiska 55 ka ah ka helay 10 ciyaartoy, waxaanad dareemi kartaa sida ay tayada ciyaartoyda horyaalkaIngriiisku hoos ugu dhacday.FIFA FIFPro World XI 2015 premier

Manchester City ayaa ah kooxda horyaalka Ingiriiska ciyaartoyda ugu badan ka heshay liiskan waxaana ugu jiraVincent Kompany, David Silva, Yaya Toure iyo Sergio Aguero,waxaana ku soo xigta kooxda Chelsea oo liiskan ka heshay saddex ciyaartoy oo kala ahJohn Terry,Branislav Ivanovic iyo Eden Hazard.


City2Manchester United ayaa liiskan ka heshay laba ciyaartoy oo kala ah Wayne Rooney iyo David De Gea halka uu tirada tobanka ciyaartoy buuxiyay xidiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.Chelsea oo xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay koobka horyaalka Ingiriiska ayaan meel fiican ka gaadhin horyaalka Yurub taas oo loo aanayn karo in ay qiimayntan 

samayn ku yeelan karto

.Hazard and Terry

Horyaalka aduunka ugu daawashada badan ee Premier Leaque ayaa liiska kooban ee kooxda aduunka ugu fiican ka helay tiro la mid ah inta ay Barcelona ka heshay waxayna tiradani ka yartay inta ay Real Madrid iyo Bayern Munich liiskan ka heleen.Haddiiba uu xaalku sidan ku socdo horyaalka Ingiriiska ayaa lays waydiin karaa in uu ahaan sii ahaan karo horyaalka ugu xiisaha badan.Bayern FIFAPro

Ma aha liiskani mid ay soo doorteen dad gaar ahi, waxaa soo doortay ciyaartoyda laftooda oo ay ku jiraan kuwa horyaalka Ingiriisku, waxaana codka laga soo ururiyay ciyaartoyda ka tirsan 70 wadan oo aduunka ah. Arintan ayaa ah mid muujinaysa in xamaasada iyo xiisaha horyaalka Ingiriisku aanay la micno ahayn in ay joogaan ciyaartoyda aduunka ugu fiicani.

Haddii aan si kale u dhigno kooxaha horyaalka Ingiriiska ayaa liiskan ka helay boqolkiiba 18.18% taas oo ah heer aad u hoseeya marka la barbar dhigo sida horyaalka Spain ee la Ligaha oo ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo kaliyi ay ka heleen boqolkiiba 40%.FIFAPRo Real

 

 

Haddaba akhriste miyaan la odhan karin tayadii ciyaartoyda horyaalka Ingiriisku waxa ay ku socotaa halkii ugu hoosaysay? Horyaalka Ingiriiska miyaa la odhan karaa waxa ku yaraaday ciyaartoyda heer caalamiga ah? fikirkaaga waxaadn nagula wadaagi kartaa facebook, twtterka ama commentska kaleba



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip