Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo loo fasaxay dhaqamo aysan lahaan jirin (SAWIRRO)

0
Thursday November 26, 2015 - 19:12:12 in Wararka by
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo loo fasaxay dhaqamo aysan lahaan jirin (SAWIRRO)

    Waxaa Muqdisho lagu Qabtay shalay xaflad lagu soo dhaweynayay suldaanka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo ah C/raxmaan Olol Diinle, waxaa soo dhaweyntaas ka qayb-galay, salaadiin, ugaasyo, malaaqyo, culumo, aqoon-yahanno qaybaha kala duwan e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Muqdisho lagu Qabtay shalay xaflad lagu soo dhaweynayay suldaanka mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo ah C/raxmaan Olol Diinle, waxaa soo dhaweyntaas ka qayb-galay, salaadiin, ugaasyo, malaaqyo, culumo, aqoon-yahanno qaybaha kala duwan ee bulshada haween iyo dhallinyaro.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Maxamed Xasan C/llaahi oo mahad-celin kaddib ku dheeraadey taariikhdii beesha iyo xukunnadii ay soo qabatay; isagoohoosta ka xariiqey in suldaan C/raxmaan Olol Diinle uu dalka ku soo laabto ay mid ay baahi keentay oo ay beesha qabto.

Maxamed Xasan Xaad oo ku hadlayay magaca beelaha Muqdisho ayaa sheegay inaad ugu faraxsan yihiin soo dhaweyn Suldaanka; isagoo halkaas ka ballan-qaadey in wixii maanta ka dambeeya ay la shaqeyn doonaan Suldaaan C/raxmaan Olol Diinle.

Odayaashii dhaqanka ee ka socda beelaha Soomaaliyeed ayaa iyaguna si weyn uga hadaly taariikhda ay beeshu ku lahayd Geeska Afrika; iyagoo tilmaamay in qayb ay kasoo qaadatay maamulkii Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda ka hadlay Suldaan C/raxmaan Olol Diinle oo mahad-celin kaddib yiri. "Maanta kaddib gabadhaha beesha waa inay cunugeeda nuujisaa naaskeeda midig, waxaana sidoo kale aan fasaxay in dadka beesha Ujuuraan kasoo jeeda ay maanta kaddib ay ugaarsan karto, waxaa kaloofasaxay in ninka beesha kasoo jeeda uu carari karo si uu uga badbaado cadowga. Dhamaan dhaqamdaas aan soo sheegay waxay xadgudub ku ahaayeen beesha.”

"Haddii aan dalka joogi lahaa raalli kama noqdeen habka habka awood-qaybsiga 4.5-ka oo ay wax ku qayb-sadaan beelaha Somalida; waxaana soo jeedinayaa in wixii maanta ka dambeeya wax lagu qaysado shan beel, sidoo kale haddii aan nahay Somalia dani nooguma jirto nidaamka la guddoonsaday ee federaalka ah,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Ugaas C/raxmaan Olol Diinle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip