"Soo ridista diyaaraddii Ruushka, waxa ka run ah dhacdadaan weli ma cadda, laakiin waa in aan Turkiga ku ixtiraamnaa xaqa uu u leeyahay difaacidda hawadiisa, sida aan anagaba isku difaaci lahayn. Waxaan u maleynayaa aad bay muhiim inoogu tahay in la ogaado sida dhabta ihi ay wax u dhaceen.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Britain.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa muujiyay in xiisadda Ruushka iyo Turkiga ay ka dhalatay xaaladda murugsan, ee maanta ka jirta dalka Suuriya, isla-markaana uu jiro wada tashi macquul ah looga yeelan karo, xal u helidda Suuriya.
Dhibaatada ka aloosan wadanka Suuriya, ayuu sheegay in lagu xalin karo heer caalami, balse aanu Ruushka keliya xal u heli karin arrinta Suuriya, isagoo kala jeeda in Ruushku uu taageersan hal garab oo qura, waana garabka Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad.
Waxa uu bidhaamiyay in toddobaadkii hore uu Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin kala hadlay xal u helidda mushkiladda Suuriya, oo sida uu sheegay looga bixi karo, iyadoo Suuriya loo dhiso dowlad metesha dadka oo dhami.
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa Ruushka ku eedeeyay inaanu weerar ku ahayn Daacish oo qura, isla-markaana uu dhinaca cirka ka garaacaayo xoogaga mucaaradka qunyar socodka ee la dagaalamaaya Xukuumadda Damascus.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si weyn ugu eedeeyay diyaaraddii Ruushka in xilligii ay ku jirtay hawada Turkiga, ay waday hawlgal ka dhan ah mucaaradkan qunyar socodka ee dagaalka kula jira Dowladda Bashar al-Assad.
Gaashaanbuurto Nato, ayaa taageero weyn u muujisay Xukuumadda Ankara, isla-markaana ay difaaci doonto, haddii uu duulaan kaga yimaado Xukuumadda Moscow.
David Cameron "Turkigu waa ku saxan yahay in hawadiisa uu difaacdo"
Ra'iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in Turkigu uu ku saxan yahay tallaabada uu ku soo riday Talaadadii, diyaaraddii dagaalka ee dalka Ruushka laga lahaa, haddii ay ku soo xad-gudubtay hawadiisa.