Culimada Galmudug & Puntland oo maanta kulan adag ka yeeshay xiisadda ka taagan Gaalkacyo

0
Thursday November 26, 2015 - 18:46:55 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Galmudug & Puntland oo maanta kulan adag ka yeeshay xiisadda ka taagan Gaalkacyo

    Culima'udiinka ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug, ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo, waxayna ka wada hadleen xiisadda toddobaadkan ku soo korortay Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culima'udiinka ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug, ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo, waxayna ka wada hadleen xiisadda toddobaadkan ku soo korortay Magaaladaasi.

Culima’udiinka, ayaa waxay ka wada hadleen dagaalka laga cabsida qabo in uu ka dhaco Magaalada Gaalkacyo, haddi ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka kala wadaan Maamulada Galmudug & Puntland.

Gaba gabadii kulankoodan, ayaa waxay soo saareen dhawr qodob, oo ay Galmudug & Puntland ugu baaqayaan, in ay joojiyaan abaabulka iyo diyaargarowga ay ka wadaan Xarunta Gobolka Mudug.

Qodobada laga soo saaray kulankii Culimada

In la joojiyo ciidamada ku soo qul qulaaya Magaalada Gaalkacyo

In loo turo oo naxariis loo muujiyo bulshada ku barakacday duleedyada Magaalada Gaalkacyo

In bulshadii guryahooda ka barakacday, dib loogu soo celiyo guryahooda

In la taageero baaqii ay horey u soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee nabadda loogu hiilinaayay

In Puntland iyo Galmudug ay ka wada hadlaan waxa keenay khilaafka u dhaxeeya.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa Culimadii kulankaasi ka qaybgashay, ayaa sheegay in Puntland & Galmudug ay ka rajeynayaan in ay aqbalaan, oo ay qaataan baaqa Culimada.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, ayaa ku waramaaya in waxa maanta ka taagan Magaalada Gaalkacyo aan laga aamusi karin, isagoona ku baaqay in nabadda la wada qaato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip