Hal milyan oo Kenyan ah oo la kulmi doonto Pope Francis (SAWIRRO)

0
Thursday November 26, 2015 - 18:27:38 in Wararka by
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal milyan oo Kenyan ah oo la kulmi doonto Pope Francis (SAWIRRO)

    Baadariga Mad-habta Catholic-gada ee Diinta Masiixiga oo maalintii labaad booqasho ku joogga Caasimadda Kenya, ayaa waxaa lagu wadaa in dad ku dhow hal milyan oo qof uu kula hadlo Jaamacadda Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baadariga Mad-habta Catholic-gada ee Diinta Masiixiga oo maalintii labaad booqasho ku joogga Caasimadda Kenya, ayaa waxaa lagu wadaa in dad ku dhow hal milyan oo qof uu kula hadlo Jaamacadda Nairobi.

Pope Francis, ayaa khudbad ka jeedin doono barxadda qalan-jebinta ee Jaamacadda Nairobi, iyadoo ay dadka reer Kenya maanta u tahay maalin fasax ah, isla-markaana ay shaqooyinka ka nasanayaan.

Pope-ka oo Arbacadii gaaray Magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha uu ka amba baxo, isagoona booqan doono dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Mudada uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, ayaa loogu talla-galay in goobo kala duwan uu booqdo, wuxuuna la kulmi doonnaa dadka saboolka ah.

Dowladda Kenya, ayaa waxay joojisay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee qaybo ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, waxaana isu socodkii gaadiidka dib loo fasixi doonnaa gelinka dambe ee maanta.

Dowladda, ayaa ciidan fara-badan soo dhigtay wadooyinkaasi, waxaana loo ogolaan doonnaa in ay adeegsadaan gaadiidka gurmadka deg-degga (Ambulance), haddii ay baahidaasi timaado.

Socdaalka Pope Francis ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay mid lagu dhiira-gelinaayo shacabka, isagoo markaasi ku boorinaaya ka shaqaynta nabadda, cadaalad falidda, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hogaamin wanaagsan.FrancisFrancis1Francis2Francis3Francis4Francis5Francis6Francis7Francis8Francis9Francis91





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip