Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine) ayaa sheegay howlgalka in looga gol lahaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Marka oo shalay qaraxyo ay ka dhaceen.
Mr.Shiino wuxuu sheegay ciidamada inay soo qabteen 30 ruux oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo hada lagu haayo Saldhigyada ciidamada.
Afhayeenka Shabeellaha hoose ayaa intaa ku daray in dadkaasi ay hadda ku socoto kala shaandheyn kadibna lagu wareejinayo laanta dambi baarista si looga helo haddii ay ku jiraan dadkii weerraradaasi ka dambeeyay.
Shalay ciidamada Amisom ayaa labo qarax lagula eegtay Magaalada, iyadoo saaka howlgalka ciidanka ay sameeyeen amuurtaasi ay ka dambeysay.
Magaalada Marka ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo lala eegto ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Magaaladaasi ku sugan.
Ciidamada Dowladda oo 30 ruux ku xiray Degmada Marka
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, waxa ay ku xireen dad gaaraya 30 ruux, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ciidamada ay ka sameeyeen Magaaladaasi.