Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la aqaataan Mas’uuliyiinta labada maamul, si ay u xaliyaan xiisada lada dhinac ka dhex aloosan, waxaana maalmahan Gaalkacyo ka socday shirar nabadeed.
Wararka aanu ka heleyno Galkacyo ayaa sheegay inuu ka socdo barakac ay sameynayaan shacabka, iyadoo ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ay wali isku hor fadhiyaan xaafada Garsoor.
Barakac ayaa ka socday labadii maalmood ee u dambeeyay xaafadaha Galkacyo, iyadoo dadweynaha qaxayay ay ka cabsi qabeen in lagu dul dagaalamo, maadaama aan wali la kala qaadin ciidamada.
Ra'iisul Wasaaraha oo Gaalkacyo u tagaya xalinta xiisada Puntland iyo Galmudug
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.