"Waan garab istaagi doonaa Faransiiska, sidaas waxaa tiri Wasiirada Gaashaandhiga Jarmalka Ms von der Leyen said.
Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ka wada hadlo doona iskaashiga iyo taageerada, kadib weerarkii caasimada Paris lagu qaaday labo todobaad ka hor.
In ka badan 1.500 askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan dalka Mali, kuwaasoo dagaal kula jira dagaalyahano xiriir la leh Al-Qaacida.
Ciidamada Faransiiska ayaa ku sugnaa dalka Mali tan iyo sanadkii 2013, xilligaasoo ay fara gelin ku sameeyeen, kadib markii Kooxo islaamiyiin ah ay la wareegeen waqooyiga dalkaas.
Jimcihii la soo dhaafay dabley hubeysan oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa weeraray Hotel ku yaal caasimada Bamako ee dalka Mali, halkaasoo ay ku dileen illaa 19 ruux.
Dowladda Jarmalka oo 650 askari u direysa dalka Mali
Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in 650 askari u diri doonto dalka Mali, si ay u taageeraan Faransiiska oo dagaal kula jira Islaamiyiin mayal adag oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida.