Ruushka oo gantaalada lidka diyaaradaha geeyay xuduuda Suuriya iyo Turkiga (Sawirro)

0
Thursday November 26, 2015 - 18:07:20 in Wararka by
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo gantaalada lidka diyaaradaha geeyay xuduuda Suuriya iyo Turkiga (Sawirro)

    Dowladda Ruushka ayaa gantaalada lidka diyaaradaha geysay xuduuda Suuriya uu la wadaago Turkiga, si ay uga jawaabto soo ridistii Turkiga soo riday Diyaaradooda dagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ruushka ayaa gantaalada lidka diyaaradaha geysay xuduuda Suuriya uu la wadaago Turkiga, si ay uga jawaabto soo ridistii Turkiga soo riday Diyaaradooda dagaal.

Ruushka ayaa ku eedeysay Turkiga inay si ula kac ah u soo riday diyaaradooda, iyadoo ay sare u qaaday xiisada ka dhex ka bilaabatay labada dal.

Gantaaladan oo nooceedu yahay S-400 ayaa gaari kara ilaa 250-mile, gaar ahaan diyaaradaha hawadamaraya illaa 60,000 ft.

Saraakiisha Milateriga Turkiga ayaa sheegay in gantaaladan ay dhigeen xerada Ciidamada Cirka ee Latakia, halkaasoo Ruushka ay saldhig ku leeyihiin.

Waxaa kaloo gantaaladan la geeyay meel u dhow xuduuda Turkiga, waxaana arrintan durbaba ka soo kordhaya walaac xoogan oo beesha caalamka ka muujinayaan tallaabo kasta oo Ruushka u qaado inuu uga jawaabo diyaaradii laga soo riday.

Dadaalo caalami ah oo lagu xalinayo xiisada labada dal ayaa bilowday, iyadoo Qaramada Midoobey iyo Gaashaanbuurta NATO ay labada dhinac ugu baaqeen inay xaalada dajiyaan.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta diyaaradii Su-24 ee lagu soo riday xadka Suuriya, iyadoo Turkiga ku andacooday in diyaaradaas ku soo xadgudubtay dhulkeeda, isla markaana dhowr jeer oo hore digeen.

Turkiga ayaa soo bandhigay codka digniintii loo jeedinayay diyaaradaha dagaalka Ruushka, waxaana codkan uu ahaa af Ingiriis duuliyeyaasha loogu sheegayay inay si deg deg ah hawada uga baxaan dhinaca koofureed.

lidka diyaaradahalidkaalidka

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip