Wasiir Maareye, wuxuu sheegay in Somaliya ay ka jirto in dadka xabsiyada la geliyo, iyadoo aanan wax maxkamad ah la soo taagin, taasina ay tahay arin qalad ah oo loo baahan yahay in uu sharciga shaqeeyo.
"Wasaaradda Warfaafinta ma ogolaan doonto in Xukun la’aan ay Xabsiyada ku jiraan Wariyaasha Soomaaliyeed,sidoo kale Wariye aan Maxkamad Xukumin oo aan danbigiisa Maxkamaddu Xukumin ma noqon karo Danbiile ee waa eedeeysane inta Maxkamadda ay Xukumeyso Danbi ama danbi la’aan.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliya.
Wariye Jaamac Deparani ayaa hada wuxuu u xiran yahay Maamulka Puntland, mana jirto wax maxkamad ah oo la soo taagay Wariyaha, taasi waxa ay muujinaysa in Suxufiyiinta aysan helin sharci u doodaya xuquuqdooda.
Ka sokoow Suxufiyiinta waxaa jira dad badan oo Xabsiyada ay Maamusho Dowladda Federalka Somaliya ku jira, kuwaasi u baahan helida cadaalad rasmi ah oo dalka ka shaqeysa
Xukuumadda oo sheegtay Suxufi aysan maxkamadi xukumin inaan xabsi lagu hayn karin
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaaneyn Suxufi aysan maxkamad xukumin in xabsiga lagu haayo.