Xoogaga Shabaab oo weerar madaafiic ku biloowday xalay ku qaaday ciidanka Puntland ee Galgala

0
Thursday November 26, 2015 - 17:52:00 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Shabaab oo weerar madaafiic ku biloowday xalay ku qaaday ciidanka Puntland ee Galgala

    Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen fariisimo ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, iyadoo madaafiicda kadib uu xigay dagaal toos ah oo Shabaabka ay ku qaadeen ciidamadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen fariisimo ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, iyadoo madaafiicda kadib uu xigay dagaal toos ah oo Shabaabka ay ku qaadeen ciidamadaasi.

Wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxa ay sheegayaan dagaalka inuu ahaa mid culus oo si fool ka fool ah u dhexmaray ciidamada Puntland iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Dadka ku nool Magaalada Boosaaso, ayaa soo warinaya inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta, maadaama jawiga Magaalada Boosaaso ay aheyd mid degan oo daryanka Madaafiicda la maqlaayay.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Puntland iyo ciidamadii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Al Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee ay wararka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen dagaalkasi inay qaadeen iyaga oo guulo ay ka gaareen sida ay Shabaabka sheegeen.

Dagaalkaan xalay ciidamada Shabaabka ay ku qaadeen fariisinka ciidanka Puntland ay ku leeyihiin Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ayaa ku soo aadaya, iyadoo Taliska ciidanka Puntland uu sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro kaga yimaada Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala.

Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala ayaa u kala jabay labo garab, garab taageersan Daacish iyo garab Shabaab fekerkooda weli ku taagan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip