"Waxaan ku cambaareynayaa ereyada ugu adag afduubashada burcadbadeedu ka wado badda iyadoo Soomaaliya sameyneyso horumar weyn dhinaca siyaasadda, ammaanka islamarkaana ay jiraan dadaallo lagu soo celinayo soo kabashada dhaqaalaha, waxaan walaac ka muujinayaa in falalka barcad badeednimo ay caqabad ku noqon karaan horumarka Soomaaliya ay gaartayā€¯ ayuu yiri Nikoles Kay.
Mr. Kay ayaa sheegay in markabka iyo Shaqaalaha saarnaa oo gaaraya 15 ruux in lala aaday deegaan lagu magacaabo Ceelhuur oo ka tirsan deeganada Puntland halkaasina Burcada ay ku haysato.
Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay wuxuu intaas ku daray in qabsashada markabkan ay noqon karto qatar burcadbadeed oo markale dib usoo laabata.
Mr. Kay wuxuu tilmaamay inaan la dhayalsan karin Kooxaha Burcad badeeda Somalida oo weli afduubka wada.
Falalkii Afduubka ee ay geysan jireen Kooxaha Burcad badeeda Somalida ayaa aad u yaraaday, laakiin afduubkaan cusub ayaa noqonaya mid muujinaya in weli qatarta Burcad badeeda Somalida ay jirto.
Nicholas Kay oo sheegay Qatartii Burcad badeeda inay dib u soo laabatay
Burcad badeeda oo Axadii Xeebaha Puntland ka qafaashay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay Iran, ayaa waxay Isniintii ku weerareen markabka watay Calanka Iran. Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha dalka Somaliya Ni