Xukuumadda Moscow, ayaa waxay xaqiijisay burburka diyaaradaasi, balse maanay kala cadayn waxa dhabta ihi ee sababay, laakiin uu socdo baaritaan la xiriira.
Wakaaladda Wararka Xinhua, ayaa qortay in saddex ka mid ihi dadkii la socday diyaaradaasi, ay yihiin shaqaalihii ka hawlgalaayay, hase ahaatee ma cadda waxa ay yihiin 22-ka kale.
Muddo bil ah, ayaa waxaa burburay afar diyaaradood oo laga leeyahay dalkaasi Ruushka. Middi waxaa lagu soo riday dalka Masar, iyadoo mid kalana ku burburtay dalka South Sudan, midda 3-aad waxaa Talaadadii soo gaaray Ciidanka Cirka Turkiga.
Diyaarad uu leeyahay Ruushka oo maanta dhacday iyo dad badan oo ku dhintay
Ugu yaraan 15 qof, ayaa dhimatay, halka 10 kalana ay dhaawacantay, markii diyaarad Helicopter ahayd oo dalka Ruushka laga leeyahay, ay burburtay. Diyaaradan, ayaa ku burburtay Magaalada Krasnoyarsk Ee Wadanka Ruushka, wax yar uun ka dib markii ay