Madaxweynaha Masar oo saxiixay sharci ka dhan ah la dagaalanka Argagixisada

0
Monday August 17, 2015 - 07:46:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar oo saxiixay sharci ka dhan ah la dagaalanka Argagixisada

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sissi, ayaa saxiixay sharci cusub oo ka dhan ah argagixisanimada, kaasi oo ogolaanaya dil toogasho iyo xabsi daa'in lagu mutesyto dambiyada qaar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sissi, ayaa saxiixay sharci cusub oo ka dhan ah argagixisanimada, kaasi oo ogolaanaya dil toogasho iyo xabsi daa'in lagu mutesyto dambiyada qaar.
Sharcigan ayaa sidoo kale ganaax adag ku soo rogi doono qof kasta oo baahiya warbixino been ah oo ku saabsan weerarada argagixiso.

Mr. Sissi ayaa bishii June ballan qaaday inuu adkeyn doono xeerka la dagaalanka argagaxisada Masar, kadib markii qarax bombaano lagu dilay dacwad oogihii ugu sarreeyey dalkaas.

Waxaa uu ku eedeeyay kooxda Ikhaawnul Muslimin-ka oo laga mamnuucay dalkaas, isla markaana lagu daray liiska Ururada Argagixisada.


Sharcigan cusub, ayaa ogolaan doono in dil toogasho lagu fuliyo qof kasta oo aas aasa koox argagixiso ama hoggaamiya.

Sidoo kale, maal-gelinta falalka aragagixisanimo, ayaa iyaduna lagu muteysan doona xabsi daa’in, sida uu qabo sharcigan.

Suxufiyiinta ayaa iyaguna werinta war la xiriira argagaxisanimada oo aan rasmi ahayn waxa ay ku muteysan doonaan ganaax lacageed oo u dhaxeeya 25,000 ilaa 64,000 oo dollar.

Kooxo Islaamiyiin ah oo sheegay inay daacad u yihiin Daacish ayaa weeraro ka geystay gudaha dalka Masar, waxaana weeraro ka dhacay Gacanka Sinai lagu dilay askar fara badan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip