Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarahii hore ee Norway oo ka wadahadley taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka iyo asxaabta siyaasadeed

0
Thursday November 26, 2015 - 17:13:20 in Wararka by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarahii hore ee Norway oo ka wadahadley taageerada barnaamijka hirgelinta federaalka iyo asxaabta siyaasadeed

    Muqdisho, 26 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay'adda loo yaqaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 26 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay'adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Madaxweynaha iyo Mr Bondevik ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre ay ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale.

---DHAMMAAD---

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A0942
IB0A0990
IB0A0970
IB0A1009

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip