WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA NOVEMBAR 2015=KA

0
Thursday November 26, 2015 - 12:30:10 in Wararka by
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA NOVEMBAR 2015=KA

    MADAXWEYNAHA "CIIDAMADA MIINA BAARISTA BOOLISKA WAXAY QEYB WEYN KA QAATAAN SUGIDA AMNIGA DALKA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee bool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA "CIIDAMADA MIINA BAARISTA BOOLISKA WAXAY QEYB WEYN KA QAATAAN SUGIDA AMNIGA DALKA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska, kadibna khudbad ka jeediyay munaasabadda.

Waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.

"Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

‘’Waxqabadka aan shalay halkan ku soo bandhigteen waxaa uu ka marag kacaya baahida loo qabo in bulshadu ay ka warhayso waxa ay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorinayaa dhammaan hay’adaha dowladda iyagoo adeegsanaya qalabka warbaahinta inay waxqabadkooda bulshada u soo bandhigaan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira dhalino hawlaha qaran ee aynu hayno’’.

Waxaa kale oo uu fariin u diray warbaahinta dalka.

‘’ Warbaahinta iyaguna waxan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, ayna ka tusaale qaataan dalalka horay dhibaatooyin nala mid ah uu horey ugu dhacay iyo sida warbaahintooda ay gacan uga geysatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidammada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan u adeegidda iyo difaaca qarannimada iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyey dhibaatooyinka laga dhaxley caadooyinka iyo dhaqamada aan la jaanqaadi karin nolosha casriga iyo aadminimada.

"Ciidanka Miina Baarka Booliska waxay halkan ku soo bandhigeen xirfadahooda la xiriira sida looga faa’ideysan karo eeyaha dhinaca miina baarista iyo la dagaalanka dembiyada loo adeegsado. Waan ognahay dhaqan iyo caado ahaan waxa aan eeyaha ka aaminsanahay, laakiin waa inaan mar walba ku cabbirnaa waxtarka uu inoo leeyahay dhanka sugidda amniga. Waa in dadkeena ay ka gudbaan caadooyinka xun sida in wax laga sheego dadka xirfadaha gacmeed ee kala duwan ku shaqeysta, xirfadahaas oo kaalin weyn ka qaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda kaga dhawaaqey hadal ay si weyn ugu farxeen Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) oo ahaa in min hal darajo la dalacsiiyay. Xubnaha Ciidammada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan eeyaha , ayaa iyagu waxaa la siiyey dalacaad min laba darajo ah.

Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga dalka iyo horumarka ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna warbixintiisa ku xusey in dhowaan booliska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab damiska, isagoo dhanka kalena sheegay in dhowaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaas oo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda iyo mas’uuliyiin ka socdey gudaha iyo dibedda, ayaa waxaa lagu soo bandhigey qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee ciidammada booliska ee miina baarista qaabilsan u hayaan dalka.

INJ. FAYSAL: DADKA SOMALILAND KASOO JEEDA XAQ BAY U LEEYIHIIN ARAGTIDOODA INAY DHIIBTAAN

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Inj. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in dadka Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho inay fikirkooda dhiibtaan, isagoo ka saaray meesha inay matalaan Somaliland iyo axsaabteeda siyaasadeed.

Inj. Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal gooni ka ah Somalia, isla markaana muddo 25sano ah shaqeynaysa, nidaam dowladnimo leh oo isku filan, isla markaana ay ka jirto nabad, wuxuuna intaa ku daray in shaqsiyan uu soo dhaweynayo in dadka kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan ay shirarka ka qaybgalaan, fikirkoodana dhiibtaan.

"Somaliland wixii khuseeya ee dan ka leh Muqdisho ma tagayaan ee magaalada Hargeysa ayay yimaadaan, dadka reer Somaliland ee jooga Xamar xaq bey u leeyihiin in meeshii ay doonaan tagaan, fikirkooda iyo ra’yigoodana dhiibtaan, balse ma ahan xisbi Somaliland ka diiwaangashan oo kale,” ayuu yiri Inj. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa ku boorriyay dadka ka soo jeeda Somaliland inay iska diidaan nidaamka wax qaybsiga ah 4.5 oo uu sheegay inuu yahay mid hab beeleed ah, isla markaana haddii wax la qaybinayo lagu qaybsado sidii Koonfurta iyo Waqooyi ay 1960kii wax ku qaybsadeen.

Bisha November 22keedii ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dad kasoo jeeda Somaliland, kaasoo looga hadlayay hanaanka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sannadka 2016ka iyo nooca ay noqonayso doorashadaas.

Ergooyinkan kasoo jeeda Somaliland ayaa soo jeediyay in doorashada sannadka soo socda ka dhacaysa Somalia ay noqoto mid lagu qaybsado habkii ay gobolladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya awoodda dowladnimo ku qaybsadeen oo ahayd 50/50 [kalabar awoodda dowladda iyo baarlamaanka].

Ugu dambeyntii, hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii magaca Somaliland uga qaybgasha shirarka doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sannadka soo socda.

C/QAYBDIID OO KA HADLAY DAGAALKII GAALKACYO KU DHEXMARAY GALMUDUG IYO PUNTLAND

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ka hadlay dagaalkii Axadii aan soo dhaafnay Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Qaybdiid wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkaasi ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee shacabka saameynta ku yeeshay, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo dagaalka.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, wuxuu ku baaqay inaysan soo noqon mar kale dagaalada ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, maadaama bulshada ay saameyn ku yeelanayso dagaalka, isaga oo intaasi warkiisa raaciyay shacabka Gaalkacyo inay yihiin dad nabdoon oo nabada jecel.

"Waxaan ku baaqayaa dagaalka inuusan dib u soo noqon oo laga heshiiyo waxyaabaha dagaalka keenay, iyadoo loo turaayo dadka shacabka ah ee Magaalada degan ee xabada ay dhibayso.” Ayuu yiri C/qaybdiid oo la hadlay Idaacada Shabeelle.

Xilligii Madaxweynaha uu ka ahaa Maamulka Galmudug ayuu sheegay inuu wanaagsanaa xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Puntland, inkastoo uu tilmaamay in Puntland ay gacanta ku hayso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo Galmudug hoostagga.

Dagaalkii Gaalkacyo ku dhexmaray Axadii la soo dhaafay ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa yimid, kadib markii Puntland ay damacday in wado laami ah ay ka dhisto Koontarool ku yaallo Xaafada Garsoor, kadibna ciidanka Galmudug ay is hor istaag ku sameeyeen arintaasi.

Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku guda jira waannwaan ku aadan xalinta xiisadaha ka dhextaagan labadaasi maamul.

AMMAANKA MAGAALADA NAIROBI OO SI WEYN LOO ADKEEYAY & WADOOYIN LA XIRAY

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ciidamo badan oo ammaanka sugaya la dhigay wadooyinka waaweyn ee Magaalada caasimada Nairobi.

Wadooyinka ay Booliska xireen waxaa ka mid ah Uhuru Highway, Kenyatta Avenue, Haile Selassie Avenue, Harambee Avenue iyo University Way, sababta loo xiray wadooyinka ayaa ah Baadariga madaahibta Catholicga ee Diinta masiixiyadda Pope Francis oo shalay gelinka dambe tagaayo Magaalada Nairobi.

Pope Francis ayaa shalay Magaalada Nairobi waxaa uga bilaabanaysa booqasho qaadanaysa shan cisho oo uu ku joogayo Magaalada Nairobi, wuxuuna la kulmi doona Bulshada haysata Diinta Masiixiga.

Ciidan aad u badan oo Boolis iyo kuwa dhar cad ah ayaa lagu daadiyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo waxaa muuqata ammaanka in si weyn loo adkeeyay.

Inta ay u socoto booqashadiisa shanta maalin ah, Popeka waxaa la filayaa inuu ka hadlo isu dulqaadashada iyo sida loogu baahan yahay inay wada hadlaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Taliyaha Booliska ee Magaalada Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay wadooyinka la xiray inay suurta galineyso in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kooxdiisa ay si fudud u aadaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, si ay baadariga iyo wafdigiisa usoo dhaweeyaan.

Waa markii ugu horeysay oo uu baadariga booqasho ku tagaayo qaarada Africa, tan iyo markii uu sanadkii 2013ki noqday baadariga ugu weyn mathhabta Catholiga ee Diinta masiixiga.

TALIYAHA CIIDAMADA XOOGGA DALKA OO SHEEGAY INAY SOCDAAN BIXINTA MUSHAARAADKA CIIDAMADA

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay in labadii bilood ee u dambeeysay ay xoojiyeen mushaar siinta ciidamada, isagoo balan qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si toos ah u heli doonaan xuquuqdooda.

Taliyaha ayaa booqanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, waxaana uu kormeer ku tagay xeryaha ciidamada ee ay ka socdaan tababarka iyo isku dhafka ciidamada.

"Mushaaraadka ciidamada si wanaagsan ayay u socdaan, ciidamada bishii hore waa qaateen, bishan waa qaadanayaan, waxaana diyaar u nahay inaan ilaalino xuquuqda ciidamada”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ayaa u jooga Kismaayo sidii uu u ogaan lahaa tirada ciidamada iyo halka ay marayaan isku dhafka ciidamada, waxaana uu ku dar daarmay ciidamada u socda tababarka inay shacabkooda difaacaan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay xoogga saarayaan sidii ciidamada loo bari lahaa inay ilaaliyaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida Umadda Soomaaliyeed.

LABA QARAX OO KA DHACAY MAGAALADA MARKA

Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in shalay laba qarax lagula beegsaday Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Qaraxyadan oo middi uu ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa siyaabooyin kala duwan waxaa xaafadda Ruusiyo lagula eegtay Ciidanka Amisom. Qarax hore oo miino ahaa, ayaa lala beegsaday ciidan Amisom ah oo lugeynaayay.

Qaraxa labaad, ayaa lagu tuuray gaari Taw ahaa oo dhex maraayay xaafadaasi, waxaana adag in macluumaad dhameystiran laga helo waxyeelo ka soo gaartay Ciidanka Amisom, labadaasi qarax.

Qaraxyadaasi ka dib waxaa Ruusiyo laga maqlay rasaas xoogan oo dhawr jiho ay u furayn Xoogaga Amisom, inkastoo aan la soo sheegin wax rayid ihi oo ku waxyeeloobay rasaastaasi.

Ciidanka Amisom oo qaraxyada ka dib hawlgalo ka sameeyay xaafadda Ruusiyo, ayaa waxay dareen baqdin leh ku beereen dadka rayidka ihi, walow aysan dhibaato u gaysan.

Amisom, ayaa dhibaato badan ku wajaheysa Magaalada Marka, iyadoo ay muuqato in qaraxyo ay ku weerarayaan xubnaha Shabaabka ka tirsan, oo ku dhex dhuumaaleysanaaya dadka shacabka.

Shabaabka waa awoodda ugu weyn ee dalka ka jirta oo dagaal toos ihi kula jirta Dowladda Somaliya iyo Amisom. Shabaabku waxay diidan yihiin jiritaanka Dowladda Federalka iyo joogitaanka dalka ee Amisom.

XILDHIBAANNO U BAXAYA XALLINTA XIISADDA MAGAALADA GAALKACYO

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay guddi u dirayaan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwaas oo soo xalliya xiisada u dhexeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Xaaji Max’ed iyo Xildhibaan Ibraahim Saalax kuwaas oo labada dhinac ugu baaqay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.

Dad badan ayaa ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwaas oo cabsi ka qaba in ay saameyn ku yeeshaan dagaallo ka dhaca Magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka waxaa gudaheeda ka soconaya dadaallo ay wadaan Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaasi oo xal looga gaarayo xiisadda taagan.

 

SHIRKA DIB U HESHIISIINTA BEELAHA JUBBOOYINKA OO MARKII 3AAD BAAQDAY

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo oo loo madlanaa 25 November 2015 ee ku began haatan ayaa mar kale dib u dhac uu ku yimid.

Baaqashada shirkaan dib u heshiisiinta ayaa sababaha soo cel celiyay oo Shabelle ay u kuur gashya ayaa loo sabeeyay arrimo ay ka mid tahay go’aan ka yimid Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ee dowladda Federaalka uu ku farayo in haddii shirkaan mira dhalkiisa la doonayo laga soo qeyb galiyo dadka wax ku oolka u ah khilaafka hareeyay Gobollada Jubbooyinka Iyo Gedo, kuwaas oo uu ka mid yahay Col Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale.

Dhinaca kale Max’ud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta lagu wado in ay ka qeyb galaan shirkaasi dib u heshisiinta ah oo aan qadka Taleefanka ku wareysanay ayaa u aaneeyay sababaha dib u dhaca shirkaasi cillado farsamo wax uu ku tilmaamay.

Maamulka Jubba oo uu hoggaamiyo Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa caqabada ugu weyn ee hortaagn la sheegaa khulaafka kala dhexeeyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo oo ugu horreeyo Col Barre Aadan Shire ( Hiiraale), oo Axmed Madoobe ka hor diiq ka ahaa Jubbooyinka

Wararka Caalamka

DADWEYNE CAREYSAN OO KU HOR BANNAANBAXAY SAFAARADDA TURKIGA EE MOSCOW

Dadweyne ka careysan ficilkii uu Turkigu ku soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa, ayaa waxay shalay isugu soo baxeen afaafka hore ee Safaaradda uu Turkigu ku leeyahay Magaalada Moscow Ee Xarunta Wadanka Turkiga.

Bannaanbaxayaasha, ayaa ukun iyo dhegxaan ku tuuraayay Dhismaha Safaaradda, iyagoona burburay qaar ka mid ah daaqadaha.

Ciidan ammaanka sugga oo la geeyay xeendaabka Safaaradda, ayaan waxba ka qaban waxyeelada loo gaystay Dhismaha Safaaradda, iyagoona sheedda uun ka eegaayay, balse waxay is hortaag ku sameeyeen in gudaha loo galo.

Tallaabada uu Turkigu ku soo riday diyaaraddii Ruushka, ayaa waxay xiisad aad u xoogan ay ka dhex dhalisay labada dal, xilli Turkiga uu gaaska ugu badan ee dabiiciga uu ka soo iibsado Ruushka.

Shacabka labada dal, ayaa waxay si weyn u hadalhayaan dhacdadaasi, waxaa kaloo jira in warbixino xoog lihi ay ka diyaarinayaan Idaacadaha iyo Wargeysyada ka jira dalalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa wuxuu shalay shaaca ka qaaday inaanu Ruushka diyaar u ahayn dagaal uu la galo Turkiga.

Wasiirka wuxuu cadeeyay in tallaabadii lagu soo riday diyaaradoodu ay caqabad weyn ku noqon doonto xiriirka xidideystay, ee u dhaxeeya Xukuumadaha Ankara & Moscow.

MADAXWEYNE OBAMA OO TAAGEERAY GO'AANKII UU TURKIGU KUSOO RIDAY DIYAARADDII RUUSHKU LAHAA

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa difaacay tallaabadii dowladda Turkiga ay kusoo rideen daraad mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka, xilli madxweynaha Ruushka Putin uu sheegay inay cawaaqibxumo ka dhalan doonto diyaaradda lasoo riday.

Barack Obama ayaa sheegay in Turkiga uu xaq u leeyahay inuu difaacdo dhulkiisa, isagoo xusay inay Turkiga uu madaxbanaan yahay, tallaabadii uu qaadanayna ay ahayd mid uu ku ilaashanayay xorriyadiisa dhuleed.

Sidoo kale, Obama iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa ku wadahadlay taleefoon, waxaana Obama uu xusay inay muhiim tahay in xiisada la dajiyo, isla markaana la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan sida wax u dhaceen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa dhankiisa difaacay tallaabadii ay kusoo rideen diyaaraddii dagaal ee uu Ruushku lahaa, wuxuuna ku tilmaamay inay kusoo xadgudbeen hawadooda.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Kimoon ayaa isagana xusay walaac uu ka qabo diyaaradda laga soo riday Ruushka, wuxuuna ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda oo aanu dhicin wax gacankahadal ah.

Isbahaysiga NATO oo uu Turkigu qayb ka yahay ayaa ugu baaqday Turkiga iyo Ruushka inay xaalada dajiyaan, iyadoo isbahaysigu uu sheegay inay si dhow ula socon doonto dhaqdhaqaaqyada labada dhinac.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqibxumo ka dhalan karta diyaaraddii laga soo riday, wuxuuna sheegay inay ahayd diyaaraddii laga soo riday mid lagu dhabarjabinayo howlgalkooda Suuriya.

SAFIIRKII SOOMAALIYA EE DALKA MASAR OO LAGU WADO IN LAGU AASO MUQDISHO

Janaasada Marxuumka waxay ka dhacday Masjidka Cumar Makram oo ku yaalla agagaarka xarunta Jaamacadda Carabta; fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Waxaa janaasada ka soo qeyb galay madaxda wadanka Masar, danjireyaal iyo diblomaasyiin carbeed iyo kuwo Afrikaan ah. Waxaa dadkii ka soo qeyb galay ka dhex muuqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir ahna Wasiirkii hore ee caddaalada, Safiirada Wadamada Djibouti, Ethiopia, Saudi Arabia, madax kale iyo dhamaan qeybaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaala madaxda Wadanka ee Muqdisho maalinta khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 26ka November 2015.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu ka mid ahaa danjireyaasha loogu ixtiraami ogyahay wadanka Masar; isagoo hormuud u ahaa Safiirada Carabta iyo kuwa wadamada Afrika. Marxuumka waxa uu hawlaha diblomaasiyadda ku soo biiray markii ugu horeysay sanadkii 1987ka xilligaas oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee wadanka Algeria.

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKA LOOGA HADLAYAY HORUMARINTA WARBAAHINTA

Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay la jiraan inta badan ururadda ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Hoteel City Palace ee magaalada Muqdisho 24 – 25 Nofeembar 2015, waxaana shir guddoominayey Wasiirka Warfaafnta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasiiradda Warfaafinta Dawlad goboleedyada ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdinuur Cali Aadan, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdi Maxamud, Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Mudane Maxamed Aadan Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Quraanjecel). Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiillo ka socda Gobollada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Wakiilo ka socda ururrada ay ku mideysan yihiin weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, Dawladdo iyo diblomaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera warbaahinta Soomaaliya.

Waxaa shirka taageeray xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM (UNSOM) oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, Nicholas Kay ayaa ka soo qeybgalay furitaanka shirka.

Go’aamada Shirka kasoo baxay

1. Wasiirradu waxey soo dhoweeyeen, una mahadceliyeen doorka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey u mahadceliyeen doorka hay’adaha IMS iyo Fojo ee ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah kadib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka si loo ogaado baahiyaha iyo dhibaatooyinka haysta warbaahinta ka hawl gasha dawlad goboleedyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

2. Wasiirradu waxay isku dhaafsadeen shirka warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo Warfaafinta.

3. Waxay isku waafaqeen wasiirradu muhimadda ay leedahay in Wasaaradaha Warfaafinta iyo dhamaan bahda warbaahinta dalku yeeshaan qorshe iyo istraatejiyad cad oo lagu taageerayo nabadda iyo xasiloonida dalka, lagulana dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimadda.

4. . Wasiirradu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha.

5. Wasiiradu waxey isla garteen in Xeerka Saxaafada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee hada horyaala golaha shacabka Soomaaliyeed dib loo dhigo ansixintiisa mudo 15 cisho ah si dawlad goboleedyadu fursad ugu helaan in ay soo dersaan sharciga.

6. Wasiiradu waxey isla garteen in marka la ansixiyo xeerka Saxaafadda laga wada shaqeeyo dhaqangelintiisa iyadoo golaha Warbaahinta Qaranka ee la dhisi doono ay xubno ku yeelan doonaan Dawlad Goboleedyadu si goluhu u wajaho cabashooyinka iyo anshax marinta shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerkaas ama anshaxa iyo asluubta warbaahinta.

7. Waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna amaaneen horumarka lixaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah.

8. Wasiirradu waxa ay isla meel dhigeen in si hawlgallada ciidan iyo horumarka dalka ka socda uu u guulaysto, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliyana ay u noqoto mid joogto ah in loo baahan yahay in dowladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo is kaashanaya ay sameeyaan wacyigelin bulsho iyo dib u heshiisiin buuxda oo la dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada ee wax kala tirsanaya.

9. Waxay hoosta ka xarriiqeen in bahda warbaahinta oo is kaashanaysa ay sameyn karto wacyigelin bulsho oo beelaha iyo shacabka Soomaaliyeed ka saarta kala shakiga iyo isku kalsooni la’aanta ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday.

10. Wax ay cambaareeyeen ficillada dilka, xariga aan sharciga aheyn iyo hanjabaadaha ah ay kooxaha argagixisada ah iyo sharwadayaal kaleba ay ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo ay sharciga hor keenaan.

11. Wasiirradu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed ay gelayso marxaladda cusub.

12. Waxay si wadajir ah isagu raaceen in hay’adaha saxaafadda taageera ee caalamiga ah ee magaca warbaahinta Soomaaliya deeq bixiyeyaasha lacagaha uga soo qaata ay barnaamijyadooda u soo gudbiyaan Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer dawlad goboleed si looga hortago in barnaamijyo isku mid ah ay wada saameeyaan oo aan ka tarjumeynin baahida warbaahinta.

13. Wasiirradu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo urrurada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee dawlad goboleedyada ay ka hawlgalaan, isla markaasna u gudbiyaan qorsha hawleedkooda oo dhameystiran.

14. Waxay wasiirradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay wacyigelin la xiriirta barashada dhinacyada Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka, loona baahan yahay in Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo dawlad goboleedyada la yimaadaan qorshe mideysan oo ay ku wacyigelinayaan bulshada Soomaaliyeed.

15. Waxay Wasiiradu isla meel dhigeen in shacabka Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyo wacyigelineed oo la xiirira amniga, wadaniyada, midnimadda iyo is aaminka ka dhexeeya shaqsiyaadka, degaamadda iyo beelaha Soomaaliyeed.

16. Wasiiradu waxay bogaadiyeen hawlgaladda amni iyo guulaha ay ka soo hoynayaan dhamaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxayna ugu baaqaan in ay soo afjaraan ciribtirka UGUS iyo kooxaha nabad diidka ah ee doonaya in ay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya.

17. Wasiiradu waxay isku afgartaan in ay shir dambe isugu soo noqdaan bisha December 2015 si ay u meel mariyaan qorshaha iyo istraatejiyada horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socoto oo hada gacanta lagu hayo.

18. Wasiiradu waxay ugu baaqeen Dawladaha, hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan isla markaana joogteeyaan taageerada ay siinayaan qorshayaasha ay Wasaaraduhu wadaan oo si siman dalka oo dhan looga hirgelin doono. DHAMAAD

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip