Kooxaha gurmadka deg-degga oo gaaray halkii ay shaqaaqadu ka dhacday, ayaa waxay ka qaadeen dhawr qof oo ku dhaawacmay israsaasayntaasi.
Saraakiisha Booliska Faransiiska, ayaa Warbaahinta u sheegay in aanu weerarkaasi wax lug ihi ku lahayn falal argagaxiso, isla-markaana ay ka masuul ahaayeen waxa ay ugu yeereen kooxo burcad ah.
BBC, ayaa sheegtay in la soo afjaray weerarkaasi, sidoo kalana ay bad-qabaan dadkii lagu qafaashay weerarkaasi, oo xoogaga ammaanku ay soo furteen.
Mid ka mid ah dableydii weerarkaasi ka dambeysay, ayaa lagu dilay intii uu iska horimaadku socday. Waxaa kaloo jira nin la tuhunsan yahay oo la xiray. Laamaha ammaanku si rasmi ihi uma aanay kala cadayn inta qof ee weerarkaasi ka dambeysay, marka laga soo taggo Warbaahinta Faransiiska oo qortay in saddex nin ay gaysatay.
Warbaahinta Caalamka, ayaa qoreysa in raggii weerarkaasi gaystay uu ujeedkoodu u muuqday in dhac ay gaystaan.
Weerar ka dhacay Magaalada Roubaix ee Waqooyiga Faransiiska (Daawo Sawirada)
Weerar caawa ka dhacay Magaalada Roubaix Ee Waqooyiga Wadanka Faransiiska, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr qof lagu qafaashay. Roubaix waxay ku dhow-dahay xadka kala qaybiya Wadamada Faransiiska & Belgium-ka, oo maalmahaanba ku jiray xaalad